Sawirro: Wararkii u dambeeyey diyaarad ku dhacday garoonka Aadan Cadde

diyaarad dhacday adan cade airport

Faah faahino dheeri ah laga helayaa shil diyaaradeed oo goor dhow ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Shilka ayaa yimid, kadib markii diyaaradda oo uu oo nuuceedu yahay 5Y-MHT ay ku dhacday darbiga ama xeyndaabka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaraddaasi laga soo saaray illaa saddex qof, waxaana haatan socda gurmad loo fildinayo qof afaraad oo ku xayiran gudaha diyaaradda.

Sidoo kale waxaa gurmad deg-deg ah u fidiyey diyaaradda howl-wadeenada garoonka Aadan Cadde, si uusan dab uga kacin.

Diyaaradda oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya ayaa ku socotay magaalada Beledweyne, balse markii ay duushay ay cilad timid, kuna soo laabatay garoonka Aadan Cadde.

Sida aan xogta ku helnay diyaaradda oo ah kuwa yaryar ayaa waxaa adeegsanayey xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Lama oga sababta rasmiga ah ee dhalisay shilkaasi diyaaradeed, balse waxa loo badinayaa cilad ku timid diyaaradda.

Si kasbataba ha’ahaatee muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii badanayey shilalka diyaaradeed ee ka dhaca gudaha Soomaaliya, waxaan ugu dambeeyey mid kii ka dhacay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here