SAWIRRO: Xayawaannada sameeyay ficilladii ugu qosolka badnaa 2019-ka

sawir xayawaan qosol

Kalluun cabsanaya, Oorso xishooneysa, guumeys wax foorjeynaya iyo Shimbir ku sugneyd meel khaldan waliba xilli khaldan.

Kuwani waa Sawirradii ugu cajiibsanaa ee isugu soo haray abaal marinta tartanka xayawananada ka qosliiyay bani’aadanka ee sanadkan 2019-ka.

Kani waa kalluun uu eryanayo libaax badeed
Gadaasheyda ayuu kasoo socdaa, sooma aha? Kalluunkan wuxuu u muuqdaa inuu ka cabsanayo libaax badeedka daba ordaya
Labo dawaco oo ciyaaraya
“Ciyaartii meel xun ayey gaartay?” Dawocooyinkan way ku guul darreysan lahaayeen haddii abaalmarin lagu siinayo ciyaartooda
Cayayaan saaran caleen geed
“Waan idin salaamay, maalin wanaagsan dhammaantiin”
Libaax dhal ah oo taabanaya xubnaha taranka ee aabihiis
“Halkaas ma aha meel la taabto…” Waxaan qiyaaseynaa in sawirkan kadib aysan dhicin wax lagu qoslo
Wiyil ku kaadineysa Shimbir gadaasheeda joogtay
“Adiga ayaa sabab u ah wixii kugu dhacay.” Ugu dambeyn, waxaa caddaalad helay qof walba oo ay shimbir dusha sare uga soo saxarootay ama kusoo kaadisay
Guumeys qosleysa
“Baashaalka barafka” – Maxay noogu qosleysaa guumeystan?
Daanyeer nasanaya
“Iska tiirso” – daanyeerkan wuxuu yaqaannaa sida loo nasto
Oorso isku qarineysa geed gadaashiis
“Ciyaartii dhuumaaleysiga”, “meel isku qari anigana waan kusoo raadinayaa, koow, labo saddex”, laakiin marka ay sidaan tahay qofka kula ciyaaraya si fiican uma uusan dhuumanin
Xayawaanno wax macsalaameynaya
“Haye!” nabadeey

13-ka bisha Nofembar ayaa lagu dhawaaqi doonaa xayawaannada ku guuleystay tartanka abaalmarinta lagu qaadanayo.

XIGASHO BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here