Senator Dhagdheer: “Culimo Qoray sidata oo horumarka diideysa uma baahnin”

senator dhegdheer

Senatar Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) oo xalay ka hadlay munaasabad ka dhacday magaalada Dhuusomareeb ayaa weerar afka ah ku qaaday Culimada Ahlu Sunna ee caqabada ku noqptay dhismaha Maamul loo dhan yahay ee yeelato Galmudug .

Dhagdheer ayaa sheegay in ay soo kordheen culumo diidan horumarka oo doonaya in qori wax ku maamulaan, waxa uuna cadeeyay in aysan u baahneyn xiligan culimo sidata qoryo oo diideysa horumarka .

”Waxaan arki jirnay culimadii Soomaaliyeed iyagoo dadka ugu sharafta badan, hadii caawa cida usoo hoydo neef loo qalo, Culimo qoray sidata ma xamili karno niman yahaw, culimadii kitaabada heesatay ayaan u baahanahay ee uma baahnin culimo qoray wadata, culimo horumarka diideysa uma baahnin, culimo sharafka umada dhaawaceysa uma baahnin, waxa nuucaas ah yaanan nalagu qaldin” ayuu yiri Dhagdheer.

Senetar Dhagdheer ayaa sheegay in dowlada dadaalo badan ku bixisay dhisida Galmudug loo dhan yahay, waxa uuna xusay in aysan marnaba dowladu rabin in ay xoog wax ku maquuniso .

”War hadaan hada qoray inta qaadano Dhuusomareeb dhaxdeeda lagu dagaalamo maxaa soo haraya, waxba yaanan kala ganban wax soo harayo malahan, siyaasado maahan qiyaano mana ahan isku caga jugleyn,” ayuu tiri Senetarka.

Waxa uu sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay in Madaxweynihii Galmudug Xildhibaano been ah ku dhaariyo Magaalada Gaalkacyo, waxa uuna isweediiyay sababta uu Xaaf ugu shaqeyn waayay Xildhibaanadii hore.

Hadalka senetarka ayaa u muuqda mid uu ku weerarayo kooxda Ahlu Sunna ee fadhigeedu yahay magaalada Dhuusomareeb oo kasoo horjeeda in la helo Galmudug loo dhan yahay iyo sidoo kale Madaxweyne Xaaf oo isna caro la fadhiya Gaalkacyo.

Senetar Dhagdheer ayaa kamid ah Xubnaha dowlada federaalka ee bilihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Dhuusomareeb kana qeyb qaadanayay sidii loo heli lahaa maamul loo dhan yahay ee yeelato Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here