Shabaab oo Gaarisa kasoo afduubtay WIIL la dhashay mas’uul ka tirsan KENYA

alshabab somalia

Warbaahinta maxaliga ah ee dalka Kenya ayaa shaacisay in dagaalyahannada Al-Shabaab wiil dhalinyaro ah oo la dhashay mas’uul ka tirsan dowladda ay Jimcihii ka soo afduubteen magaalada Gaarisa, gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi

Saraakiisha laamaha ammaanka ee Kenya ayaa sheegay in wiilkaasi oo lagu magacaabo Daa’uud Bashiir Guure dagaalyahannadu ay kala baxeen hoygiisa.

Sidoo kale Booliska ayaa tilmaamay in Daa’uud lala soo aaday dhinaca Soomaaliya, islamarkaana ragga afduubtay tiradoodu ay gaareyso illaa 20 qof.

Dhinaca kale saraakiisha Boolisku wali ma carabaabin mas’uulka uu la dhashay wiilkaan, marka laga tago in kaliya xogtaas ay bixiyeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Daa’uud Bashiir Guure kooxda Al-Shabaab ay uga shakisay inuu bixiyey xog la xariirta weerarada ay ka fuliyaan Waqooyi Bari, Kenya.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa had iyo jeer weeraro khasaara geysta ka fuliya dalkaasi, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here