Shacabka oo ugaarsanaya fallaagada Itoobiya ee TPLF

banaanbax ethiopia

Xilli habeen xaafad ku taalla caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, waxaa howlgal ka sameynayay tiro dad ah oo isa soo xilqaamay kuwaas oo joojinayay baabuurta iyaga oo baarayaa isla markaana eegaya dokumentiyada dadka maraya halkaas.

“Guddiga xaafadayada waxaa ku jira ilaa 180 qof, dad badan ayaan gacanta ku dhignay, waxaana helnay waxyaabo badan oo laga shakisan yahay oo ay ku jiraan qoryo iyo walxaha qarxa” ayuu yiri nin da’ ah oo u muuqday inuu isku dabaridayay howlgalka ay wadeen dadka isa soo xilqaamay.

Dadkan ayaa baadigoobaya fallaagada Tigray, iyo taageerayaashooda, iyadoo la raacayo sharciyo cusub oo deg deg ah oo ay soo rogtay dowladda Itoobiya si ay uga jawaabto duulaanka dagaalyahanada Tigray.

Dadka dhaleeceeya arrintan ayaa sheegaya in kumannaan qof si xaq darro ah loo xiray, balse howlgalka ayaa u muuqdaa mid taageero ballaaran ka helayaa shacabka ku nool caasimadda.

“Dhakhso, wuxuu isku dayayaa inuu baxsado,” ayuu yiri nin kale, xilli uu ku hadlayay teleefoonkiisa gacanta.

Dhowr waddo oo ku yaalla halkan waxaa ka muuqdaa koox u badan dad da’ ah oo isa soo xilqaamay, waxay isugu soo baxeen tababar ciidan, waxay dhageysanayeen talooyinka loo jeedinayo.

Jawiga guud ee caasimada ayaa u muuqda mid deggan.

In kasta oo Britain iyo waddamo kale ay ka digeen in xaaladda ammaanka ay sii xumaanayso, iyadoo fallaagada Tigray iyo kooxaha kale ay ku warramayaan in ay ku soo wajahan yihiin Addis Ababa, haddana safaaradda Ruushka ayaa farriin aad uga duwan arrintaas soo dhigtay baraha bulshada.

Waxay ku dhawaaqday “in dhaqan gelinta xaaladda degdegga ah aysan wax isbeddel ah ku keenin hab-nololeedka caasimadda Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa dhawaan sheegay inuu ku wajahan yahay jiidda hore ee dagaalka, si uu u hogaamiyo ciidamadiisa.

Muuqaal ay dawladdu soo bandhigtay ayaa muujinaya Abiy Axmed oo ku labisan dareeska militeriga xilli ay ku hareereysnaayeen ciidamada, wuxuu u muuqday in uu ku sugnaa dhulka qallalan ee dhaca gobolka Canfarta.

“Waxaan hadda ku guuleysannay inaan si buuxda u nadiifinno goobta,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Abiy, sida ku xusan muuqaalka.

“Runtii niyadda ciidamada difaaca aad ayey u weyn tahay, waan sii wadi doonnaa inta laga xaqiijinayo xorriyadda dalka Itoobiya,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegay in ciidamadiisa ay ku guda jiraan sidii ay magaalooyin badan ugala wareegi lahaayeen kooxda TPLF.

Laakiin way adagtahay in la xaqiijiyo sheegashadaas, maadama la xaddiday adeegyada isgaarsiinta meelaha ay dagaallada ka socdaan iyadoo la soo saaray xeerar cusub oo mamnuucaya in la daabaco dhaqdhaqaaq kasta oo ciidan ama “natiijooyinka kasoo baxa goobaha dagaalka”

Saraakiisha TPLF waxay dhawaan baahiyeen muuqaallo lagu soo duubay diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Drones-ka kaas ku saabsan kumanaan maxaabiis ah oo ka tirsan ciidanka Itoobiya oo ay soo qabteen. waxay sheegeen inay si wadaan guulaha ay ka gaarayaan dagaalka isla markaana ay haatan ku wajahn yihiin caasimadda.

Laakiin qaar ka mid ah falanqeeyayaasha arrimaha gobolka ayaa ka digaya in ciidamada Tigrayga laga yaabo in aysan isku toosneyn, una nugul yihiin weerarro roggaal celis ah iyo weerar ay suurtagal tahay in uga yimaado dalka ay deriska yihiin ee Eritrea.

Dadka waxay wajahayaan ‘xaalado daran’

Dhinac kasta oo guul ka gaara dagaalka, waxaa cad in colaadda ay sii fidayso xilli Itoobiya ay ka taagan tahay xaalad bini’aadantinimo oo aad u daran.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada ee WFP ayaa hadda ku qiyaastay in 9.4 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar.

“Xilli colaadda ay kusii fideyso waqooyiga Itoobiya, waxaa arkeynaa dad badan oo laa daalaa dhacaya dhibaatooyin dhanka nolosha ah” ayay tiri Claire Neville oo ah sarkaal ka tirsan Hay’adda WFD oo ku sugan Addis Ababa.

Waxay sheegtay in arrimaha xaddidaya gargaarka banii’aadanimo ay yihiin amni darrada ka dhalatay dagaallada ka socda waqooyiga Itoobiya.

Balse Hay’adda WFP ayaa dhawaan ku guulaysatay in ay kumanaan qof ay gaarsiisay gargaar kuwaas oo ku nool laba magaalo oo ka tirsan gobolka Axmaarada oo ay la wareegeen ciidamada Tigray.

Dagaalka lagula jiro ‘khaa’imiinta’

Gudaha magaalada Addis Ababa, saraakiisha ka tirsan xisbiga PP ee haya talada Itoobiya ayaa sii wadaa qabanqaabada munaasabadaha loogu mahadcelinayo dadka isa soo xilqaamay ee wado dhaqdhaqaaqayada ka dhanka ah fallaagada Tigray.

“Waxaan dagaal kula jirnaa dadka khaa’imiinta ah ee ku nool gudaha dalka, iyo taageerayaashooda ajnabiga ah,” ayay tiri Etisa Deme, oo ah xubin golaha deegaanka ah.

“Waxaa la iigu yeeray inaan tago oo aan u dagaallamo sharafta dalkayga, waad ooyi kartaa haddii qoyskaaga la dilo, laakiin halkeed u socotaa haddii aad lumiso waddankaaga, sidaas darteed waxaan diyaar u ahay inaan nafteyda u huro, ma cabsanayo maadama aanan qaadan wax tabbabar ah” ayuu yiri Babush Sitotaw oo ah nin 22 jir ah.

Sidoo kale dadka isa soo bixiyay waxaa kamid ah haweeney cirro leh oo lagu magacaabo Dinkinesh Nigatu, waxaana loo soo bandhigay dadkii goobta isugu yimid.

“Waan jeclahay dalkayga, waxaan rabay in aan dagaalka aado balse wiilkeyga iyo seygeeyga labaduba waxay ii sheegeen inaan guriga joogo oo ay aniga igu matali doonaan dagaalka ” ayay tiri.

“Tabbabar ayaan qaatay haatan, waxaan kamid ah dadka isa soo xilqaamay, waxaana hadda gaaf wareegaya waddooyinka iyadoo wiilashayda iyo seygeeyga ay ku sugan yihiin jiidaha hore ee dagaalka, mar kasta oo aan dadka ku arko waddooyinka, waxaan u sheegaa inay tagaan furriinta hore oo ay dagaalamaan” ayay tiri Dinkinesh Nigatu xilli ay u warrameysay BBC-da.

“Iyada waa halyey. Iftiin bay idiin tahay dhammaantiin,” ayay tiri Ayda Awol, oo ah sarkaal ka tirsan xisbiga PP.

“Waxaan filaynaa in dad badan oo da’ yar ay ku daydaan tusaalahan, Itoobiya hadda sidii hore wuu ka xoog badan tahay, in ka badan toddoba kun oo qof (oo ka soo jeeda degmada Arada ee caasimadda) ayaa si mutadawacnimo ah isugu xilqaamay inay dalkooda caawiyaan,” ayay hadalkeeda sii raacisay Ayda Awol.

Eedeymaha ah marinhabaabinta ee ‘guumeysiga cusub’

Dowladda Itoobiya ayaa ka cabatay olole ay ku sheegay in si ula kac ah ay u wadaan dowladaha reer galbeedka iyo hay’adaha warbaahineed oo ay ku doonayaan in si khaldan wax looga sheego dagaalka Itoobiya.

Dad badan oo Itoobiyaan ah ayaa u muuqdaa inay ku raacsan yihiin dowladda arrintaas iyagoo baraha bulshada ku dhaliilaya isku dayga “gumeysiga” ee uu ku doonayo inuu ku majaxaabiyo qarankooda iyo buunbuuninta guulaha TPLF.

“Waxaa nalaga soo weeraray laba waji, oo kala ah olole khaldan oo gumeysi cusub ah iyo olole warar been abuur ah oo ay wadaan warbaahinta guud ee reer galbeedka oo ay ku jirto BBC-da, iyo dagaal xasuuq ah oo ay ku dhawaaqday TPLF,” ayuu yiri Achamyeleh Ewunetu, oo falanqeeya siyaasadda Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa marar badan ka gaabsatay codsiyo ay BBC-da ku weydiisay wareysi,

Hase yeeshee, dawladda Itoobiya ayaa si weyn loogu dhaliilay inay caburinayso warbaahinta gudaha iyo dibadda, iyada oo adeegsanaysa hadallo colaadda sii hurin kara, isla markaana xaddidaysa isticmaalka iyo isgaarsiinta.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo horey loogu ammaanay inta aysan dagaallada dhicin kadib markii uusii daayay maxaabiis siyaasadeed iyo suxufiyiin, ayaa dhawaan lagu eedeeyay inuu dib u soo rogay jawi cabsi gelin ah oo ka dhan ah warbaahinta.

Dhanka kale, BBC-da waxay inay weli ka go’an tahay inay warbixin madax-bannaan, sax ah oo dhexdhexaad ah ay kasoo tebiso gobolka iyo guud ahaan caalamkaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here