SHACABKA SSC KHAATUMO OO U RIYAAQAY QARAARKA GOLAHA AMMAANKA EE QM

xuddun jaamaahiirta ssc3

Shacabka SSC KHAATUMO Qurbejoog iyo Qolqoljoogba ayaa si weyn ugu riyaaqay Qaraar uu maanta Golaha Ammaanka ee QM ka soo saaray dagaalka u dhexeeya Maamuladda Somaliland iyo SSC Khaatumo oo mudo lix bilood ah dagaal ku dhexmarayey Gobolka Sool.

Qaraarkan oo Golaha Ammaanku si gaar ah uga fariistay ayaa Somaliland si cad loogu sheegay midnimada iyo Xuduuda Somalia, in Ciidamadoodu Gabood fallo Laascaanood ka geysteen oo layskula xisaabtami doono iyo inay Ciidamadeeda kala baxdo degaamadda SSC Khaatumo.

Dawladda Federaalka Soomaaliya, Beesha Caalamka, Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, dowladaha deriska iyo Midowga Afrika waxaa la gudboon in la fuliyo qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramadda Midoobay oo Maleeshiyadda Somaliland laga saaro Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn si nabad iyo wadahadal loo gaaro, islamarkaana loola xisaabtamo Masuuliyiintii Tacadiyada ka qaybqaatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here