Shacabka Taleex iyo Boocame oo soo dhoweeyey dhismaha wadooyin ku xidha Garoowe oo Puntland balanqaaday

taleex2

Madaxweynaha Puntland ayaa isna 1 ogosto meel fagaare ah ka balanqaaday inuu sanadka gudihii dhagaxdhigi doono wadooyin isku xidha Garoowe iyo Magaalada taariikhiga ah ee Taleex, sidoo kale Garoowe iyo Boocame, kuwaas oo haddii ay dhaboobaan wax weyn u tari doono nolosha iyo horumarka shacabka degaamadaas ku dhaqan.

Dadweynaha degaamadaas ku dhaqan ayaa si weyn u soo dhoweeyey mashaariicdan oo uu balanqaaday Madaxweyne Deni, iyagoo u rajeeyey inuu kaga dhambeyn doono.

Balanqaadka Jidadka ee Madaxweyne Siciid Cabdilaahi Deni ayaa noqon doona tijaabadii ugu horeysay ee shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn ay ku qiimeyn doonaan siyaasadiisa ku aadan degaamadaas, oo u balan qaaday inuu xooga saari doono dhaqaale iyo difaacba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here