Shan arrimood ka ogow doorashada Deegaanka Soomaalida

calanka kilinka 5aad

Doorashada sanadkan lagu wado iney ka dhacdo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa iney wax badan ka duwanaato doorashooyinkii deegaankaasi horay uga dhacay.

Deegaanka Soomaalida oo ka mid ah 10-ka dowlad deegaan oo xubinka ka ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya waxaa ka socdaa diyaargarow xooggan oo loogu jiro sidi ay doorasho guud deegaankaasi uga dhici lahayd.

Waloow ay geeddi socodkii diiwaangelinta codbixiyeyaasha ay walaac ka muujiyeen xisbiyada mucaaradka iyaga oo cabashadoodana guddiga doorashooyinka u gudbiyey.

Guddiguna uu u saaray guddi soo baara cabashooyin salka ku haya geeddi socodka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, inta guddigaasi ay natiijada baaritaankooda soo bandhigayaanna la hakiyey diiwaangelinta dhowr iyo toban deegaan doorasho oo ay cabasha ka soo gudbiyeen xisbiyada deegaankaasi oo mucaarad iyo muxaafidba isugu jira.

1. Xisbiyada badan

Deegaanka Soomaalida waxaa markii ugu horreysay doorashada isu diiwaan geliyey xisbiyadii ugu badnaa.

Xisbiyada mucaaradka ee doorashadaasi ka qayb galaya waxaa ka mid ah ururka ONLF, Ururka Xorriyadda iyo Caddaaladda iyo Ururka Ezema.

Xisbiga talada deegaankaasi haya ee Barwaaqo ama PP wuxuu sida oo kale uu ka qayb yahay loollanka loogu jiro doorashada deegaanka Soomaalida.

Waxayna xisbiyadaasi dhammaantood ay u tartamayaan kuraaska golayaasha baarlamaanka iyo kuwa deegaanka (degmooyinka iyo magaalooyinka). Iyada oo ay xusid mudantahay in madaxweynaha deegaanka Mudane Mustafa Cagjar uu ka mid yahay musharixiinta u taagan baarlamaanka deegaanka.

2. ONLF oo doorashada qayb ka ah

Ururka ONLF wuxuu ka mid yahay xisbiyada mucaaradka ee doorashada deegaanka Soomaalida ka qaybgaleyso kuwooda ugu cad cad.

ONLF oo muddo aad u dheer dagaal hubeysan kula jirtay dowladda Itoobiya ayaa dowladda Itoobiya heshiis ka gaartay kaddib markii uu dalka Itoobiya uu isbeddel siyaasadeed uu ka dhacay, Abiy Axmed oo hoggaanka dalkaasi qabtayna uu ku dhawaaqay Jabhadaha dowladda ka soo horjeeda iney miiska wadahadalka u soo laabtaan.

ONLF oo iyaduna baaqa dowladda soo dhaweysay waxay wadahadal la gashay wakiillo ka socday dowladda Itoobiya ugu dambeynti bishii October 2018-kii labada dhinacba waxay ku dhawaaqeen iney heshiis hordhac ah gaareen.

Heshiiskaasina ay ku gaareen magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Xoghayihii arrimaha dibadda ee ONLF ee xilligaasi, Axmed-Yaasiin Sheekh Ibraahim, wuxuu BBC u sheegay in ay ku heshiiyeen in “ONLF hawlaheeda si nabdoon u sii wadato”. Wuxuu intaa ku daray in la isku afgartay in wadahadallada la sii wado.

Heshiiskaasi kaddib iyo kulammo dhowr ah oo isxig-xigay waxaa ka dhalatay inuu ururka ONLF nabad buuxda qaato askarto ONLF ahna lagu daray ciidamada deegaanka Soomaalida.

Ugu dambeyntina ONLF wuxuu ka mid noqday ururrada siyaasadeed ee dalka Itoobiya ka diiwaan gashan oo la siiyey shahaadada aqoonsiga uu uga qayb galay kaddib marki uu buxiyey shuruudihi looga baahnaa.

3. Doorashada oo dhaceysa deegaanka oo nabad ah

Deegaanka Soomaalida ayaa seddexdi sano ee ugu dambeeyey noqday deegaanka ugu nabdoon Itoobiya. Iyada oo aysan jirin jabhad duurka ku jirta ama dagaallameysa.

Halka deegaannada kale ee dalka Itoobiya ay ka socdaan dagaallo ay jabhado wadaan sida kuwa ka socda qayba badan oo ka mid ah deegaanka Oromiya iyo Benishaangul oo ay waddo jabhadda OLF-Shane oo ah garab ka baxay jabhaddii xornima doonka oromada ee OLF ee Itoobiya heshiiska nabadeed la gashay.

Deegaanka Tigraay ee ku yaalla waqooyiga dalka Itoobiyana ku dhawaad 6 bilood iyo ka badan waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya iyo maleeshiyaadka daacadda u ah jabhadda TPLF ee ay Itoobiya ku sheegtay argagxiso.

Dagaalka Tigraay oo billaawday kaddib marki uu ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu sheegay maleeshiyaad daacad u ah TPLF iney weerareen isla-markaana ay qabsadeen saldhiggi ugu weynaa ee ay ciidamada dowladda dhexe ku lahaayeen Waqooyiga dalkaasi gaar ahaanna gobolka Tigraay.

Doorashada sanadkan ayaa deegaanka Soomaalida ka dhaceysa iyada oo deegaanka Soomaalida uu haysto nabaddi abid ugu wanaagsaneyd wax amni darra ahna deegaankaasi aysan ka jirin.

Deegaanka Soomaalida oo isbeddelki dhacay 2018-ki wixi ka horreeyey ahaa mid ay nabadgalyadiisu aad u liidato oo gobolla badan ciidan la’aan aan la mari karin iisu socodka habeenkina aan laguba fakirii karin.

4. Codbixiyeyaashii ugu badnaa ee doorashada iisu diiwaan geliyey?

Doorashada Deegaanka Soomaalida ka dhaceyso sanadkan waxaa codbixinta isu diiwaan geliyey tiradii ugu badneyd ee doorasho iisu diiwaangeliso.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida oo ka warbixinayey geeddi socodka diiwaangelinta doorashada deegaankaasi wuxuu sheegay iney codbixinta iisu diiwaan geliyeen in ka badan 3 malyan oo qof tiradaasi oo noqoneysaa tii ugu badneyd oo doorasha ka qayb qaato inti uu deegaankaasi jiray.

Shacabka deegaankaasi marki ay si buuxda diiwaangelinta codbixinta ugu soo dareereenna waxaa lagu kordhiyey maalmo dheeri ah oo ka baxsan inti horay loo qoondeeyey.

Inkasta oo guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya ay sheegeen deegaan doorashooyin ku yaalla deegaankaasi in geeddi socodka doorasha cabasha la soo gudbiyey ayna u saareen guddi soo baaro, inta ka horreysanaya deegaannadaasi la hakinayo ayna adagtahay iney codbixintu ka dhaco 21-ka May oo ay dalka intiisa kale codbixinta doorashada ka dhaceyso.

5. Saamiga haweenka

Doorashada la filayo iney ka dhacdo deegaanka Soomaalida waxaa u sharraxan dumarkii ugu badnaa.

Xisbiga PP oo kale musharrixiinta haweenka uu doorashada deegaankasi ka dhaceyso uu u diyaariyey wuxuu ku sheegay 30%.

Iyada oo xisbiyada kalana ay musharrixiin haween ah ay iyaguna soo sharraxeen waloow aan tirada rasmiga ah ay weli noo xaqiijin.

Xogta guud ee doorashada Itoobiya 2021

Doorashada lagu wado dabayaaqada 21- June ee sanadkan iney dalka Itoobiya ka dhacdo waxaa ku loollamaya 47 xisbi, oo isugu jira kuwa u tartama heer qaran iyo kuwa heer deegaan.

Seddexda xisbi ee musharrixiiinta ugu badan diiwaan geliyey ayaa kala ah EPP (xisbiga talada dalkaasi haya), EZEMA iyo INNAT, waxayna soo sharraxdeen musharraxiin kor u dhaafaya 8,200.

Wuxuuna guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Itoobiya uu sheegay inuu dadaal xooggan uu ugu jiro goobaha sababa amniga la xiriira ay diiwaangelinta codbixiyeyaasha uga billaabmin diiwaangelinta looga billaabi lahaa.

Doorashada Itoobiya ka dhaceyso sanadkan 2021-ka ayaa ka dhici doonto dhammaan deegaannada uu dalkaasi ka kooban yahay iyo labada maamul magaalo ee Addis Ababa iyo Diridhaba, balse doorashada ayaanan ka dhaceyn deegaanka Tigraay uu ka socda dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda dhexe iyo kuwa daacadda u ah Jabhadda TPLF.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here