Shan arrimood oo naxdin leh oo ku jira buugga lagu kashifayo Donald Trump

trump

Buug waxyaabo badan lagu kashifayo, oo ay qortay haweeney uu adeer u yahay Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu sheegay in uu yahay “qof naftiisa kaliya ka fakara” oo khatar weyn galinaya dhammaan dadka Mareykanka ah.

Mary Trump waxay buugga ay qortay oo lagu magacaabo “Sida uu qoyskeyga uga dhashay ninka ugu halista badan adduunka” ku sheegtay in adeerkeed uu yahay qof ay noloshiisu ku dhisan tahay musuqmaasuq, dadkana dhibaateeya.

Aqalka Cad ayaa gaashaanka u daruuray dhammaan eedeymaha ku jira buuggan, oo loo dusiyay warbaahinta Mareykanka.

Qoyska Trump waxay gudbiyeen dacwad maxkamadeed oo ay ku doonayaan in lagu hor istaago daabicita buuggan oo lagu wado inuu soo baxo 14-ka bishan July.

Qof nolosha kaligiis isla raba

Ms Trump, oo 55, waxay buuggeeda ku qortay in adeerkeed uu yahay qof “waligiis aysan waxba ku filnaanin” iyo in madaxweynaha Mareykanka uu leeyahay dhammaan dabeecadaha dadka calooshood u shaqeystayaasha ah.

Waxay sheegtay in madaxweynaha uu gacan ka geystay xadgudubyo uu aabihiis Fred Trump Sr u geystay iyada aabaheed Fred Trump Jr – oo dhibaatooyin kasoo gaaray isticmaalka daroogada u geeriyooday xilligii ay 16 ahayd.

Sawir aan la ogeyn xilliga la qaaday oo ay ka muuqdaan Trump iyo walaalihiis
Qoraalka sawirka, Sawir aan la ogeyn xilliga la qaaday oo ay ka muuqdaan Trump iyo walaalihiis

Ms Trump waxay qoraalkeeda ku sheegtay in awowgeed Trump Sr uu si qallafsan ula dhaqmi jiray wiilkiisa weyn, oo iyada aabaheed ah, kaasoo uu doonayay inuu kala wareego ganacsiga iibinta guryaha.

Laakiin maadaama uu Mary aabaheed dhibaato kala kulmay maandooriyaha, Trump Sr wuxuu ku khasbanaaday inuu usoo jeesto dhinaca wiilkiisa labaad, oo ah Donald.

“Waxaa qoyska lagu fasaxay nin bahal ah oo aan waxba ka nixin,” ayey tiri.

Madaxweyne ayaa beeniyay sheegashadaas.

‘Waxaan tallaabo u qaaday inaan meesha ka saaro Donald Trump’

Buuggan waxay Ms Trump ku sharraxday sida ay warqabo dhinaca canshuur bixinta shirkadda Trump ah si qarsoodi ah ugu gudbisay wargeyska New York Times, iyadoo markaas dooneysay inay fashiliso adeerkeed, ceebna usoo jiiddo si uu ganacsigiisa oo dhan u burburo.

New York Times ayaa xilligaas waxa uu warqadahaas u adeegsaday maqaal 14,000 oo eray ka kooban oo la daabacay 1990-meeyadii.

Warbixinnada waxaa ka mid ahaa arrimo musuqmaasuq ah oo ay shirkadda Trump ku kacday.

Donald and Fred Trump in 1988 at The Plaza Hotel in New York City
Qoraalka sawirka, Donald iyo aabihiis Fred, oo la sawiray 1988-kii

Waxay sheegtay in sanadkii 2017-kii ay koox wariyeyaal ah ku wareejisay warqado sharci ah oo ay kasoo qaadday meel iyada iyo qoyskeeda lagu hayay.

19 kartood oo waqadahaas ay ku jiraan ayey ku wareejiyay saxafiyiinta, iyadoo qoraalkeeda ku sheegtay in waqtigaas “ay farxad weyn dareentay”.

“Intaas iguma filneyn inaan ku caawiyo urur wax u qabanaya qaxootiga Suuriya,” ayey ku tiri qoraalkeeda. “Waxaan ku khasbanaa inaan Donald Trump meesha ka saaro.”

Jaamacadda wuxuu uga soo gudbay “si khiyaano ah”

Ms Trump waxay sheegtay in adeerkeed uu nin saaxiibkiis ah lacag ku siiyay si uu ugu sameeyo imtixaanka SAT – oo ah tijaabo la maro marka loo gudbayo jaamacadda – sababtoo ah wuxuu ka walwalsanaa in natiijada celceliska ah ee uu keenay ay u suurtagalin weyso in laga aqbalo jaamacadda.

“Wuxuu lacag siiyay wiil fahmad badnaa oo lagu yaqaannay inuu imtixaannada ku baasom” ayey tiri, iyadoo intaasna ku dartay: “Donald oo waligiis aysan lacag la’aan ku dhicin wuxuu kharash badan siiyay saaxiibkiis.”

Mr Trump wuxuu dhigtay jaamacadda Fordham ee ku taalla magaalada New York, basle markii dambe waxaa loo sii gudbiyay kulliyadda ganacsiga ee jaamacadda Pennsylvania.

Aqalka Cad wuxuu beeniyay in madaxweynaha inuu si khiyaano ah uga gudbay imtixaankii uu Jaamacadda ku aaday.

Donald wuxuu burburiyay noloshii aabbeheed

Ms Trump waxay ku eedeymay qoyska Trump, oo uu ugu horreeyo Fred Trump Sr, inay sabab u ahaayeen burbur badan oo qoyska ku yimid.

Waxay sheegtay in Trump Sr, oo ahaa maalqabeen guryaha ku iibiya New York, “uu Donald Trump ka tirtiray naxariista bani’aadannimada”.

Odayga ayey ku eedeysay inuu si xun ula dhaqmi jiray wiilkiisa weyn, uuna doonayay inuu noqdo “dilaa”.

Sidoo kale Donald Trump oo daawan jiray markii uu aabihiis sidaas ugu xadgudbayay walaalkiis ayey sheegtay inuu raadkii raacay, oo isaguna uu waxyeellada Fred Jr halkaas kasii waday.

Donald ayaa 7 sano ka yaraa walaalkiisii geeriyooday.

Wuxuu dhibaato ku qabaa dumarka

Ms Trump waxay buuggeeda ku qortay in adeerkeed uu hadda ka hor ka dalbaday inay ka qorto buug ku saabsan isaga, oo looga sheekeynayo “horumarkiisii iyo sheekooyin ku saabsan haween ka diiday inay xiriir la sameeyaan, kuwaasoo uu sheegay inay foolxumaayeen aadna u liiteen”.

Markii dambena wuxuu ka eryaya shaqadii qoritaanka buugga, wax lacag ahna kuma uusan siinin, sida ay sheegatay.

Waxay intaas ku dartay in markii ay 29 jir ahayd uu Trump jirkeeda wax ka sheegay, inkastoo ay tahay gabar uu adeer u yahay, isagana uu lahaa xaaskiisa labadaad ee lagu magacaabo Marla Maples.

Waa tuma Mary Trump?

Mary Trump, oo hadda 55 jir ah, waa gabadha uu dhalay Fred Trump Jr, oo ah madaxweynaha walaalkiis ka weyn.

Fred Trump Jr, wuxuu geeriyooday sanadkii 1981-kii, xilligaas oo ay da’diisa ahayd 42 sano.

Inta badan waqtigii noloshiisa wuxuu dhibaato badan kala kulmay isticmaalka maandooriyaha, dhimashadiisa xilliga hore timidna waxaa sababay wadne xanuun lala xiriiriyay maandooriyihii uu cabi jiray.

Madaxweyne Trump wuxuu geerida walaalkiis usoo qaataa dagaalka ka dhanka ah maandooriyaha lala qabsado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here