Shariif wuxuu noqday bad-gad, Xasana dumar-gad Farmaajona SOOMAALI KALA-GOOYE ayuu noqonayaa

Farmaajo1

Wixii ka dambeeyey Madaxweyne Siyaad Barre, Madaxweyneyaashii Soomaaliya isaga dambeeyey mid waliba wax buu caan ku noqday.

Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf waxaa lagu xusuustaa inuu Madaxtooyadii Soomaaliya xukunka geeyey, sidoo kale wuxuu noqday Madaxweynihii iscasilay, halka Shiikh Shariif lagu xusuusto inuu Badda Soomaaliya gatay, dhanka kale Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ku caan baxay inuu gabdhihii Soomaaliyeed gatay.

Madaxweyne Farmaajo oo umadda Soomaaliyeed aad ugu hanweynayd ayaa iminka u muuqda inuu cagta saaray dariiqii Madaxweyneyaashii isaga ka horeeyey, isagoo laga yaabo inuu noqdo Soomaali kala-gooye.

Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu wadahadaladii u joojiyey waxaa wada hadlaya Soomaaliya iyo Somaliland taas oo muujinaysa inay yihiin labo dal oo kala go’ay, sidoo kale wuxuu diiday in Maamulka Somaliland ay ku dhan yihiin beelaha Goboladda Waqooyi oo dhan, isagoo si cad u sheegay in Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn aanay raali ka ahay kala go’a Somaliya, wuxuuna ergooyinkii Wadahadaladda ku soo daray xubno ka soo jeeda Gobolada SSC.

Nasiib xumo Madaxweyne Farmaajo wuxuu dib u bilaabay dariiqii khaldana ee Madaxweyne Xasan Shiikh xidhay, dadka Soomaaliyeed waxay sugayeen waxaa wada hadlaya Dawladda Federaalka Somaliya iyo Somaliland, laakiin Soomaaliya iyo Somaliland waxay gef ku tahay midnimadda Soomaaliya, sidoo kale wuxuu ku gefay shacabkii Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn kuwaas oo weligood u dagaalamayey gobanimada iyo midnimadda, wuxuu meesha ka saaray xubnihii ka soo jeeday degaamada SSC ee gudiga wadahadalada uu Madaxweyne Xasan Shiikh ku dari jiray.

Madaxweyne Farmaajo isagoo ilaashanaya dantiisa gaarka ah iyo siduu dib ugu soo noqon lahaa ayuu cagta saaray dariiqii madaxweyneyaashii ka horeeyey, wuxuu noqonayaa Madaxweyne loogu yeeri doono SOOMAALI KALA-GOOYE, waxaana haboon in umadda Soomaaliyeed ay meel uga soo wada jeesato ifafaalaha foosha xun ee ka soo muuqda, ee danaysiga gaarka ah salka ku haya.

DAAWO Shacabka Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn:

Caaqil Khaalid M Muuse Dhiil

UK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here