Sheekh Maxamed Shaakir oo iclaamiyey dagaal cusub

sh Shaakir

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah hoggaanka sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca, ayaa isagoo la hadlayey boqolaal ka tirsan ciidamadooda iclaamiyey dagaal horleh oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Sheekh Shaakir ayaa kula dar-daarmay dhammaan ciidamada Ahlu Sunna inay markale u diyaar garoobaan howl-gallo cusub oo ka bilaabanayo gobollada dhexe dalka.

Isaga oo ka hadlayey dagaalka Al-Shabaab ayuu yiri “Kuwaasi inaad dadka ka dhicisaan oo aad la dagaalantaan oo aad ka xoreydaan Soomaaliya diyaar ma u tihiin? Waxaan leenahay ciidamadan sharafta badan qiimaha badan waxay u taagan yihiin difaaca deegaanka,”.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in muhiimadooda koowaad ay tahay sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa deegaanadaasi.

“Magaciinu waa qaali waa magacii aad ku metaleyseen Ahlu Sunna Waljamaaca waa magacii deegaanadan lagu xoreeyey. Ahlu Sunna waa dadkii sunnada Nebiga ku dhagay oo ahalka u ahaa,” ayuu markale ku yiri khudbaddiisa Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan Ahlu Sunna ay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wado deegaanada Galmudug, gaar ahaan magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dib u soo rogaal celinta Ururka Ahlu Sunna ayaa dhinaca kale xiisad horleh ka abuuray deegaanada Galmudug, kadib markii ciidamadeedu ay Jmcihii la soo dhaafay qabsadeen magaalada Guriceel shalayna ay la wareegeen deegaan u dhow magaalada Dhuusamareeb.

Xaaladda ayaa maanta yare deggan, hayeeshee waxaa labada dhinac ay haatan abaabullo xoogan ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here