Sheekh Shaakir: Diyaar uma nihin dagaal uu wiil nooga dhinto ama ku dhaawacmo

kheyre sh shaakir

Wararkii ugu dambeeyay ee nagasoo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in ay bilowdeen saan saan nabadeed iyo baaqyo isa soo taraya, kaas oo la doonayo in lagu soo afjaro khilaafka ka dhex aloosan dawladda dhexe iyo Ahlu-sunna  iyo xiisadda ka taagan Gobolka Galgaduud gaar ahaan magaalooyinka Matabaan iyo Guriceel.

Madaxa Ahlu-sunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan  oo la hadlay warbaahinta, gaar ahaan laanta Afka-Soomaaliga ee VOA ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan in la soo afjaro khilaafka iyo xiisadda ka dhex taagan Ahlu-sunna iyo Dawladda dhexe , waxa uu xusay Sheekh Shaakir in Ahlu-sunna aysan diyaar u ahayn in dagaal wiil kaga dhinto ama kaga dhaawacmo.

Shiikh Shaakir ayaa Dowladda Soomaaliya ku eedeeyey inay qaaday tallaabo aysan marnaba ka fileyn inay ku dhaqaaqi doonto .

Wuxuu sheegay inay tahay in dhiigga iyo xoogga lagu bixiyo sidii Al-Shabaab looga xureyn lahaa dhulalka ay ka joogaan Gobolada Dhexe.

Qaar ka tirsan Culimada ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa waxa ay ugu baaqeen maamulka Galmudug,Ahlu-sunna iyo kan Dawladda Dhexe in ay soo afjaro tabashooyinka ay kala tirsanayaan iyagoo u danayna shacabka Soomaaliyeed.

Xaaladda magaalooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan ayaa deggan kadib dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ilaa shalay ka socday.

Wararka aynu ka helanayno ilo dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in ciidamada dawladda ay gacanta ku hayaan magaalooyinka Matabaan iyo Guriceel iyadoo maleeshiyaadkii Ahlu Sunna Wal Jamaaca ay dhinac uga baxeen.

Magaalada Guriceel, ciidamada dawladda ayaa gacanta ku haya saldhiggii booliiska ee magaaladaasi oo ay saaka la wareegeen kadib markii xalay ay maleeshiyada Ahlu Sunna ka baxeen.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in magaalada ay ku wada sugan yihiin ciidanka iyo mas’uuliyiinta dawladda federaalka iyo weliba kuwa Ahlu Sunna Wal Jamaaca, xaaladduna ay deggan tahay.

Mas’uuliyiinta Ahlu Sunna ayaa dawladda federaalka ku eedaynayey inay ka baxday heshiiskii lala gaaray, iyadoo dhinaca kalena dawladdu ay sheegtay inaysan ka bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here