Sheekh Zakir Naik oo wiil u raadinaya gabadhiisa balse shuruudo ku xiray wiilka

Sheekh Zakir Naik

Sheekha caanka ah ee u dhashay dalka Hindiya ee wacdiya, Zakir Naik, ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal uu gabdhiisa ugu raadinayo wiil guursada.

Qoraalka Sheekha ayaa waxaa la socda waraaqo ay ku qoran yihiin macluumaadka gabdhiisa iyo shuruudaha laga rabo wiilka uu la doonayo.

“Assalamu Calaykum wa Raxmatullaahi wa Barakatuhu, waxaan gabadheyda curadda ah u raadinayaa wiil Muslim ah oo akhlaaq wanaagsan leh, si ay inantayda iyo seeygeeduba uu midba midka kale ugu noqdo gaashaan.”

Haddii aad u qalanto oo aad xiisaynayso, ama haddii aad tahay aabaha ama qaraabada wiil aad u malaynayso inuu xaq u leeyahay oo aad diyaar u tahay inaad eegto arrintan, waxaan si khushuuc leh kaaga codsan lahaa inaad ka soo jawaabto qoraalkan.

“Shuruudaha looga baahan yahay inuu buuxiyo wiilka doonaya gabadheyda”

1. In uu yahay wiil Muslimad ah, uuna diinta ugu dhaqmo sida ay fareyso.

2. In sunnada uu aad ugu dedaalo inta karaankiisa ah.

3. In luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga uu yaqaano.

4. In uu ka fogaado dhamaan hawlaha xaaranta ah.

4. In xaaskiisa uu ku dhiiragelin karo dadaalka dawcwadda ee ay waddo.

5. In uu xaafidul Qur’aan yahay.

6. In Shahaadadaa Koobaad ee ‘Bachelor Degree’ uu ka haysato Shareecada Islaamka.

7. In uu dhageysatay dhowr daaci oo ku wacdiya luuqadda Ingiriiska.

8. Waa inuu Diinta Islaamka ku faafiyaa meelaha ay ku badan yihiin masixiiyiinta.

Faah-faahinta gabadha Sheekh Zakir Naik ee uu seyga u raadinayo

1. Da’deeda: 25 jir, iyo 2 bilood.

2. Waxay ku nooshahay: Putrajaya, Maleesiya.

3. Waxay leedahay dabeecad iyo akhlaaq wanaagsan, waa ay naxariis badantahay, dhanka saaxiibtinimada way ku fiicantahay, waxay jeceshahay wax barashada iyo baridda Qur’aanka.

4: Waxay haysataa shahaahada koobaad ee Shareecada Islaamka, iyadoo ka soo qalin jabisay Jaamacadda Nourah University, Riyadh, Saudi Arabia. Waxayna haatan isla jaacaddaasi ka wadda shahaada labaad Tafsiirka Qur’aanka.

5: Waxay si faseex ah ugu hadashaa luuqadaha Carabiga iyo Ingiriisiga. Waxay sidoo kale ku hadashaa luuqadaha Uruduuga iyo Hindiga.

6: Waa daaci xaafidul Qur’aan ah oo ku guuleysatay abaal marino.

7: Waxay ka heshaa dabbaasha iyo safarka.

.

Bishii September ee sannadkii hore ayay markii Sheekh Zakir Naik uu gabadh u raadinayay wiikiisa Fariiq isagoo gabadha uu la doonayayna uu ku xiray shuruudo.

Waa kum Zakir Naik?

Qaabka adadag ee Zakir uu u adeegsado diinta ayuu wakhti dheer muran ka taagnaa.

Dad badaan oo al-Qaacida taacabsan oo la xiray ayaa saraakiisha u sheegay in uu saamayn badan ku lahaa.

In uu dalka Britain galo ayaa laga mamnuucay sannadkii 2010, waxayna ku sababeeyeen “dabcigiisa aan la aqbali karin” iyo khudbadahiisa, sida ay wakhtigaas sheegtay wasiiraddii arrimaha gudaha oo hadda ah Ra’iisulwasaare Theresa May.

Si kastaba ha ahaatee waxay indhaha caalamku qabteen bishii Luulyo ee sannadkii 2016 ka dib weerarkii darnaa ee lagu qaaday makhaayadda Holey Artisan ee magaalada Dhaka.

Warbaahinta Bangladesh ayaa sheegtay in mid ka mid ah ragga weerarkaas gaystay uu ka shidaal qaatay khudbadihiisii. Qaybihii dambe ee isla bishaasna Bangladesh waxay mamnuucday Peace TV.

Bishii Nofeembar ee sannadkii 2016 hay’adda argagixiso la dagaalanka ayaa cabasho rasmi ah ka gudbisay Zakir, iyada oo ku eedaysay in uu faafinayo nacayb diimeed iyo hawlo aan sharciga waafaqsanayn.

Zakir ayaa Malaysia u wareegay 2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here