Shiinaha: Lama joogo xilli kooxo yar ay dunidu maamulaan

Zhao Lijian china

Shiinaha ayaa uga digay hoggaamiyeyaasha dalalka dhaqaalahoodu horumaray ee G7 in aanan la joogin xilliggii kooxo yar ay maamuli lahaayeen dunida isla markaana tallaabadaas ay tahay mid laga soo tegay.

“Maalmihii ay kooxo yar dunida u meerin lahaayeen go’aannada caalamka waa laga soo tagey” ayuu yiri afhayeen u hadlay safaaradda Shiinaha ee London.

Wuxuu intaas ku daray in go’aanada saameynaya dunida ay tahay in lagala tashado dalalka caalamka.

“Waxaan mar kasta rumeysanahay in dalalka adduunka ha yaraadaan ama ha weynaadaan, sabool ama qani dhammaantood wey siman yihiin, waa in go’aanada adduunka ay ka wadatashadaan dhammaan dalalka”

Hadalka afhayeenka safaaradda Shiinaha ee London ayaa imaanaya xilli madaxdii G7 ee ku shireysay Ingiriiska ay soo jeediyeen in mowqif mideysan laga qaato saameynta Shiinaha ee sii kordheyso.

Dalalka G7 waxay bilaabeen qorshe ay kaga jawaabayaan waxa ay ku tilmaameen barnaamijyada ballaaran ee Shiinaha iyo saameyntiisa.

Dadka falanqeeya siyaasadda gobolka waxay sheegayaan in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo quwadaha reer galbeedka ay ka go’antahay baahida loo qabo in haatan wax laga qabto saameynta Shiinaha ee sii ballaaraneyso.

Waxaa lasoo gabagabeeyay shirkii Ingiriiska uga socday madaxda dalalka G7, waxaana kasoo baxay ballaanqaad ah in dalalka dhaqaalahooda soo korayo laga caawiyo wax ka qabashada isbaddalada cimilada, cudurka Karoona iyo maalgelinta mashaariicda la xiriira kaabayaasha dhaqaale si looga maarmo barnaamijyada horumarineed ee Shiinaha.

Waxay hoggaamiyeyaasha ballan qaadeen in ka badan balaayiin tallaalka karoona ah oo la gaarsiin doono dalalka saboolka ah balse xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in loo baahan yahay in la qaado tallaabo wax ku ool ah oo ku aadan wax ka qabashada arrimahaas.

Weriyaha BBC ee qaabilsan arrimaha siyaasadda Rob Watson oo ku sugnaa shirka ayaa sheegay in madaxweyne Biden uu isku dayayo in uu kaalin ka qaato go’aanada adduunka kadib saameynta cudurka Covid-19 isla markaana uu ku dagaallamo dimuqraadiyiinta iyo diktatooriyadda.

Balse waxay u muuqataa in dalalka G7 aanay wax is-afgarad ah ka gaarin in Shiinaha uu yahay saaxib, dal loolan kula jira ama in uu yahay halis amni, sida uu sheegayo weriyaha BBC-da.

G7 (Kooxda Toddobada) waa urur ay ku mideysan yihiin toddobada dal ee la sheego inay yihiin kuwa ugu tunka roon dhanka dhaqaalaha. Waxay kala yihiin Canada, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga, Japan, UK iyo Mareykanka.

Ruushka wuxuu kooxdaas ku biiray sanadkii 1998, markaas oo uu ururku isku beddelay G8, balse waxaa laga saaray sanadkii 2014 kaddib markii uu sheegtay Crimea.

Shiinaha weligiis kooxdan kama ahayn xubin, inkastoo uu yahay dal dhaqaale badan heysta isla markaana ay ku nool yihiin bulshada ugu badan adduunka. Waxaa loo arkaa in bulshadu aysan dhaqaale badan heysan sidaas darteed laguma xisaabiyo dal dhaqaalihiisu horumarsan yahay sida xubnaha kale ee G7.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here