Shir deg deg ah ayaa waxa uu hadda ka socdaa Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo sheegayo in laga hadlayo xad gudubka ay Kenya kusoo sameysay Qaranimada Soomaaliya, iyadoo Hawada Soomaaliya kusoo xad gudubtay.
Amarkii Xalay ee Dawlada Soomaaliya soo saartay ayey ku xad gudubtay Dawlada Kenya, kadib Diyaarad kasoo duushay Nairobi oo ka degtay Kismaayo.
Shirka waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin katirsan Dawlada Soomaaliya waxaana kulanka shir gudoominaya Ra’iisal Wasaare Kheyre, waxaana la ogeyn kulanka waxa kasoo baxa.