Shirka Golaha Wadatashiga doorashada oo maalintii labaad galay

wadatashiga doorashada1

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa maalintii labaad galay.

Shirkan oo ka furmay Teendhada Afisyooni una dhaxeeya dowladda federaalka Soomalaiya iyo madaxda maamul-goboleedyada ayaa waxaa looga hadlay dhammeystirka Heshiiska 17 September iyo in xal loo helo khilaafka ka taagan doorashada.

Waxaa xarunta shirka ku sugan oo ka qeyb galay madaxda maamul-goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana shir guddoominaya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shirka oo ay albababada u xiran yihiin ayaa ilo ku dhow dhow waxay sheegeen inuu u socdo sidii loogu talo galay.

Maalinta berri ah ayaa la filayaa inuu soo gabagaboobo lagana soo saaro qodobbada lagu heshiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here