Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee doorashooyinka oo Muqdisho ka furmay

wadatashiga doorashada1

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa goor dhaw ka furmay magalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa dardargelinta howlaha doorashooyinka, diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka iyo raadinta dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka.

4 ka mid ah maamul gobleedyada ayaa iyagu horey u guda galay howsha doorashada gaar ahaan doorashada aqalka sare.

Mamaulka Hirshabeele oo kali ah ayaan wali bilaabin doorashada xubnaha aqalka sare.

Maamulada Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa iyagu soo dhameystiray xubnihii aqalka sare uga mid noqon lahaa, halka Jubbaland iyo Galmudug ay wali dhowr kuraas dhiman tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here