Shirkii Xukuumada iyo Midowga murashaxiinta oo fishil ku dhamaaday

rooble musharixiin

Waxaa fashil kuso dhamaaday Shir u dhaxeeyey Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Midowga Musharaxiinta kaasoo caawa ka furmay Hotelka Decale ee magaalada Muqdisho.

Midowga musharixiinta oo saxaafadda la hadlay kadib markii uu kulanka soo dhamaaday ayaa sheegay in kulankii uu kuso dhamaaday guuldarro.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ku hadlayey magaca Midowga Musharixiinta ayaa ku hadlay hadalo loo fahmay iskuday qaabiilaysan oo lagu kala foheynayo Madaxda Qaranka ugu sareysa, isagoo sheegay in Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble uu awood waayey inuu go’aan gaaro isla markaasna uu mar kasta la tashanayey xubno uusan magacaabin oo shirka ka baxsanaa.

“Rooble caawa oo dhan fariimo ayaa loo soo dirayay, shirkii caawana waxaa fashiliyay dadka fariimaha soo dirayay”. ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame.

Cabdiraxmaan ayaa Ra’iisul wasaaraha ku eedeyey inuu garan waayey sidii uu isticmaali lahaa awoodda uu Dastuurka siinayo sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xubnaha midowhga Musharsixiinta ayaa isna Facebook kusoo qoray qoraalkaan:

”Cashar cusub ayaan caawa siyaasadda Soomaaliya ka bartay. Ra’iisul Wasaare fariin meel fog laga soo diray lagu hagayo oo HAA iyo MAYA midna aan ku dhihi karin! NIN ADUUNYO JOOGOW MAXAA ARAGTI KUU LAABAN”

Dhanka kale, Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hadlay shirkii u dhaxeeyey Ra’isulwasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya aysan weli ka quusan in isfagarad la gaaro isla markaasna ay weli jirto fursado lagu sii wadi karo wadahadalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here