Shirweyne gaar u ah madaxda maamul goboleedyada oo ka furmay Muqdisho

madaxda m goboleedyada

Waxaa maanta hotel ku yaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ka furmay shir gaar u ah madaxda maamul goboleedyada ee ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya shanta madaxweyne goboleed ee dalka, sida Axmed Madoobe, Saciid Deni, Axmed Qoor Qoor, Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Cali Guudlaawe.

Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi diirada lagu saarayo is mariwaaga ka taagan furitaanka shirka wadatashiga ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaas oo ay si weyn uga biyo diideen hoggaamiyeyaasha labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi sii raacinaya in shirkan gaarka ah ee madaxda maamul goboleedyada kusoo qaadayaan xal u helida khilaafka weli ka taagan doorashooyinka.

Shirkaani ayaa dab-socdo kulamo gaar gaar ah oo ay maalmihii u dambeeyey lahaayeen madaxda dowlad goboleedyada, si is-faham waaga jira loogu dhameeyo wadahadal.

Si kastaba dhowaan ayey aheyd markii uu baaqday shir u dhexeeyey beesha caalamka iyo maamul goboleedyada, kadib cadaadis ka yimid dhinaca dowladda dhexe ee Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here