Sida ay warbaahinta caalamka uga warrantay ayaxa soo weeraray Soomaaliya

ayax3

Warbaahinta caalamka ayaa qaabab kala duwan uga warrantay ayaxa duullaanka ku ah Soomaaliya kaas oo la sheegay in dhul ballaaran uu xaalufiyay.

Sida ay sheegeen hay’adaha gargaarka, duullaankan ayaxa waa kii ugu ballaarnaa muddo 70 sano ah ee ku habsada dal Bariga Afrika ku yaalla.

Dowladda Soomaaliya iyo dadka uu saameeyay ayaxa, waxay ka baqadin qabaan in saameyn xun uu ku reebo deegaanka taas oo muddo qaadan karti sidii looga soo gabsan lahaa.

Ayaxan duullaanka ah wuxuu ku socdaa dhanka Koonfur-Galbeed kaas oo horey u soo baabi’iyay dhul gaaraya 175,000 oo ekar oo dhul beereed ah oo ku yaalla Soomaaliya iyo dalka Itoobiya.

Wuxuu halis ku yahay wixii dadka ay cuni lahaayeen, waana weerarkii ugu xumaa in ka badan nus qarni, sida ay sheegtay hay’adda beeraha u qaabilsan Qaramada midoobeey ee FAO.

Arrintaas waxay soo jiidatay indhaha caalamka, warbaahinta dunida ayaana qaabab kala duwan u cabirtay cinwaannada warbixinnadooda.

DUULLAANKA AYAXA

Reuters

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in “ayaxa uu halis ku yahay beeraleyda hadda gaajeysan”.

Beeraleyda Soomaaliya ayaa dowladda iyo beesha caalamka ka dalbaday in ay ka caawiyaan sidii ayaxa looga ilaalin lahaa dalagga beeraha kaas oo sababi kara in qoysaska wixii ay cuni lahaayeen uu xaalufiyo, ayaa lagu qoray Reuters.

“Ayaxa wuxuuba cunay dhulkii daaqa ah, haddana waxaan u dagaallameynaa in aan ka difaacno beerta ay inoogu abuuran yihiin qare iyo digir”, ayey tiri Jamad Maxamed oo ku nool Dhuusamareeb oo Reuter ay soo xigatay.

.
Image captionAyaxa ayaa badanaa la socda roobabka

Jirow Qorhere, oo sidoo kale beeraley ah wuxuu sheegay in hadda ay xaaladda xumaatay. Wuxuu ayaxa ka cunay dhammaan dalaggii uga baxayay beerta.

EuroNews

Wargeyska lagu magacaabo Euronews wuxuu qoray “Soomaaliya oo dhibaatada ayaxa uga hortageysa rasaas iyo in bariiska lagu darsado”.

Wargeyskaas ayaa qoray in deegaannada ay roobabkii xoogga lahaa ka de’een ee Soomaaliya ay hadda wajahayaan ayax weerar halis ah ku haya.

“Ayaxa wuxuu baabi’inayaa oo uu halis ku yahay dalagga beeraha ee qeybo badan oo ka mid ah dalka oo horey u wajahayay cunto yaraan”, ayuu qoray Euronews.

Ayax

Balse dadka deegaanka ee Cadaado, waxay billaabeen in ay dubtaan ayaxa, ayuu yiri.

Wuxuu soo xigtay qof lagu magacaabay Sadaq Axmed oo yiri: “Waa dhadhan aad u macaan, wuxuuna badan yahay”.

Independent

“Tan waa dhammaadka”, ayuu wargeyska Independent ku billaabay warbixintiisa, isagoo soo xigtay warbixinta ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Ayaxa wuxuu gaajo u horseedayaa beeraleyda Soomaaliya”, waa sida ay qeybta kale ee cinwaanka uu u qoray Independent.

AYAX

Mid ka mid ah beeraleyda uu soo xigtay wargeyska wuxuu yiri: “Ayaxa wuxuu cunay dhammaan dhirta, wuxuuna soo gaaray beerteena sida aad aragto. Tan waa dhammaadka, waxba inooma harin oo aan ku quudino carruurteena, mana awoodno in aan suuqa ka soo iibsano xitaa”.

The East Africa:

“Soomaaliya oo wajeheysa duullaankii ugu xumaa ee ayaxa dhulka xaalufiya, muddo 25 sano ah”, ayuu ka dhigay cinwaankiisa.

Ayaxa deegaanka xaalufiya ayaa baabi’inaya tobannaan kun oo hector oo beero iyo dhul daaqsin ah oo ka tirsan Soomaaliya. Waa duullaankii ugu xumaa muddo 25 sano ah, ayuu qoray wargeyska oo soo xigtay hay’adda Beeraha u qaabilsan Qaramada midoobey ee FAO.

Ayaxa waxay u badan tahay in uu sii fido. Qeybtii ayax ahba waxaa suuragal ah in ay baabi’iso wixii ay sannad cuni lahaayeen 2,500 oo qof, ayuu wargeyska The East Afrika ka soo xigtay FAO.

Asharq Al-Awsat

Duullaanka Ayaxa wuxuu halis gelinayaan nolosha Soomaalida beeraleyda ah, ayuu yiri wargeyskaas ka soo baxa Bariga Dhexe.

Wuxuu baabi’iyay 70,000 oo hector oo dhul beereed ah, sida uu Asharq Al-Awsat uu ka soo xigtay FAO.

Dhulkaas uu ayaxa nabaad-guuriyay waxay ku kala yaallan Soomaaliya iyo Itoobiya. Wuxuuna halis ku yahay cuntada labadaas dal. Duullaankan ayaxa waa midkii ugu xumaa muddo 70 sano ah, sida ay Arbacadii warbixin ku sheegtay hay’adda FAO.

CTV News

“Soomaaliya waxaa ku duulay ayaxa deegaanka xaalufiye ee ugu xumaa”, ayuu yiri Telefishinkaas laga leeyahay Canada.

AYAX
Sannadkii 1950-kii ayaa sawirkan la qaaday, xilli ayax badan uu Soomaaliya ku soo duulay.

Iyadoo Soomaaliya ay abaar ba’an ku dhufatay horraantii sannadkan, haddana markii roobka uu u da’ay, waxaa dillaacay arrin dabiici ah.

Dalka ku yaalla Geeska Afrika wuxuu markastaa u afduuban yahay Isbedelka Cimilada aadka u ba’an. Roobka si toos ah uma da’o, abaartana way soo noqdnoqotaa.

Waxaa dhibaatadaas hadda ku soo kordhay duullaankii ugu xumaa muddo 25 sano ah oo Ayax uu dalkaas ku soo qaado, sida FAO ay sheegtay, ayuu yiri CTV News.

Saameyntiisa waxaa suuragal ah in uu ku sii fido dhul beereedka Soomaaliya ugu ballaaran, iyadoo roobabkii aadka u badnaa ay horey wax ugu dhimeen.

Xigasho: BBCSOMALIA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here