Sida Turkiga ugu lug yeeshay soo badbaadinta Silvia iyo sadexdii hab ee loo maray

Silvia Constanca Romano6

Kadib 18 bilood oo ay ku jirtay gacanta kooxahii afduubtay, Silvia Constanzo Romano ayaa dib xoriyadeeda u heshay Sabtidii, waxeyna maalintii xigtay si nabad ah ku tagtay Talyaaniga oo ay kasoo jeedo.

Warbaahinta Turkiga ayaa faah-faahin ka bixiyey qaabkii Turkiga ay ugu lug yeesheen wada-xaajoodyadii madax-furasho ee lagu sii daayey Silvia.

Anadolu Agency oo ah wakaaladda wararka Turkiga ayaa carabka ku dhufatay in codsi ka yimid dowladda Talyaaniga kadib lagu dhaqaaqay soo bad-baadinta Silvia Romano.

Dhamaadkii sanadkii hore ayey ahayd markii dowladda Talyaaniga ay codsi u gudbiyeen dhigooda Turkiga, sida uu sheegay muuqaal baahiyaha TRT, waxaana lasoo bandhigay saddex hab oo loo maray badbaadinteeda.

Wararka warbaahinta Turkiga waxey sheegayaan in sirdoonka dowladda Turkiga ay markii hore xaaladda guud ee haweeneyda u kuur galeen, waxeyna tallaabada koowaad ku ogaadeen iney weli nooshahay.

Sida uu sheegay TR, waxaa markaas xigtay in la hawlgaliyay sirdoon baadi-goobay meesha rasmiga ah ee lagu hayo, taasi oo lasoo ogaaday, walow aan warbixinta lagu cadeyn wakhtiga ay ogaadeen.

Sirdoonka Talyaaniga ayaa ka qeyb noqday habka saddexaad ee soo bad-baadinta haweeneyda, oo ay ahayd wada-xaajoodka iyo sii deynta, waxeyna la dhinac ahaayeen Sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa Turkiga, waana marka lasoo bad-baadinayo Silvia.

TV-ga ku hadla afka dowladda Turkiga ayaa tibaaxay in hawlgalka badbaadinta uu dhacay laba maalmood oo ka mid ah isbuuca labaad ee bishaan May. “8-9-ka May ayuu dhacay hawlgalka lagu soo badbaadiyay Silvia” ayey yiraahdeen.

Balse marnaba warbaahinta Turkiga sooma hadal qaadin iney lacag ku bixiyeen madaxa haweeneyda samafalka u timid Afrika, marka dib loogu laabto sanadkii 2018 dabayaaqadiisii gaar ahaan bisha November ayey aheyd markii Silvia laga kaxeystay tuulada Chakama ee dhacda koofur Bari dalka Kenya.

Tan iyo wakhtigaas waxey ku jirtay gacanta la heystayaasha, waxaana xusid mudan in goobahaas ay aad ugu xoogan yahiin Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here