Sidee ayay u shaqeeyaan hubka la adeegsado kolka aflaamta la duubayo?

hub adisababa

Marka la duubayo filim, mararka qaar masiibo ayaa ka dhacda.

Booliiska ayaa sheegay in jilaaga reer Mareykan Alec Baldwin uu toogtay filim -qaade Halyna Hutchins iyo agaasimihii dhaawacmay Joel Souza oo ku sugnaa goob filim lagu diyaarinayey oo ku taalla New Mexico xilli ay ka shaqaynayeen filimka Rust.

Baaritaan ayaa socda welina ma ogin waxa khaldamay. Afhayeen u hadlay Mr Baldwin ayaa sheegay inuu jiro shil ka dhacay goobta oo loo adeegsaday rasaas.

Booliska gobolka New Mexico oo ah gobolka filimka lagu duubayey ayaa sheegay in aan dacwad rasmi ah lagu soo oogin ninkaas, qoriguna ahaa mid noogu talo galay in filimka lagu metelo oo ay ka dhacdo rasaas dheemish ahi, hase yeeshee ilaa haatan ma cadda sida ay rasaastaa dheemishka ahi qof qudha uga jartay.

Jilaaga Alec Baldwin ayaa muujiyey sida uu uga naxay iyo murugadiisa ka dib toogashada Halyna Hutchins.

Wuxuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray inuu la xiriiray saygeeda oo uu taageero u muujiyay. “Waxaad tacsi u dirayaa ninkeeda, wiilkooda, iyo dhammaan intii taqaanay oo jeclaa Halyna,” ayuu qoray. Ms Hutchins, oo 42 jir ah, ayaa lagu toogtay goob ku taal galbeedka Rust iyadoo ka shaqaynaysay agaasinka filimka.Dhacdooyinka noocan oo kale ah ayaa ah kuwo dhif iyo naadir ah wuxuuna warkani gilgilay warshadaha filimada.

“Filimkii aan dhawaan sameeyay, xitaa qorigaygii caagga ahaa, waa inaan iminka mar kasta hubiyaa,” ayuu yiri jilaaga reer Australia Rhys Muldoon. “Markaa taasi waa sababta kiiskan gaarka ah uu aad ula yaabay.”

Qoryaha macmalka ah waxay noqon karaan kuwo khatar ah. Waa kuwan waxaan ka ognahay iyaga.

Maxay yihiin qoryahani?

Rasaastan macmalka waxaa loo isticmaalaa warshadaha filimka si loogu ekeysiiya rasaasta nool.

Sababta ay aad ugu isticmaalaan rasaastan macmalka ah ah ayaa ah in yihiin kuwii caadiga ahaa oo wax laga beddelay.

Inkasta oo erayga “rasaas” inta badan loo adeegsado in lagu tilmaamo waxa lagu rido hubka, haddana si ka sii habboon ayaa ah tansida rasaasta u sameysan iyada oo ka kooban baaruud qarax samaynaysa.

Hore ma u dhaceen dhacdooyinkan oo kale?

Haa waa ay dhaceen. Brandon Lee, oo ah jilaaga u dhalay halyeeyga fanka legdinta Bruce Lee.

Brandon Lee wuxuu ku dhintey isagoo 28 jir ah 1993 -kii isagoo duubaya The Crow, markii qoriga si khalad ah ay ugu dhex raacday rasaas nooli.

Ka dib markii la toogtay Lee, kaamirooyinku way sii socdeen. Waxay ahayd uun markii uusan soo kicin dhammaadkii wax duubista in asxaabtiisii wax ka duubayey ogaadeen inay wax khaldan yihiin.

Halistaa ma la xallin karaa?

Dhimashada Hexum waxay iftiiminaysaa dhibaatada ay leedahay rasaastan macmalka ah ee wax lagu duubaa.

Waxyaalaha halista sii cusleeya, qaar ka mid ah qaybaha filimada ayaa adeegsada budo dheeraad ah oo ay ku dhex guraan rasaastaas si ay saameynta muuqaalku u noqoto mid xooggan.

Waxaa jira waddamada inta badan xeerar adag oo ku saabsan adeegsiga qoryaha la isticmaalayo. Khubarada takhasuska leh waxay bixiyaan hub si loogu adeegsado qalabka filimada waxayna kala taliyaan isticmaalkooda.

Mike Tristano, la shaqeeyay Alec Baldwin waxa uu sheegay “Weligaa qori ha ku taagin, xitaa haddii uusan ahayn qoriga wax lagu rido ee caadiga ah”

Dadka dhalleeceeya habkan duubiseed ee qoryaha caadiga lagu dhex adeegsanayo rasaasta macmalka mararka qaarna la adeegsanyo rasaasta caadigaa ayaa sheegaya in wax jilliin loogu talagalay aanay ahayn wax la aqbali karo in ay nafaha dadka galaafato.

“Ma jiro bandhig u qalma in naf khatar loo geliyo,” ayuu yidhi Mike.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here