Sidee ayey NISA, Turkey iyo Qatar ugu shaqeeyeen siideyntii Silvia Romano?

Silvia Constanca Romano6

Wargeyska Le Rupubblica ee Talyaaniga ayaa qoray warbixin ku saabsan sida agaasimaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji, Turkey iyo Qatar ay Talyaaniga u gacan siiyeen sii deynta Silvia Romano. Warbixinta ayaa si gaar ah u eegeysa sida Fahad Yaasiin uga shaqeeyey xoreeynta gabahdan.

Warbixinta ayaa u dhignayd sidatan.

Bilihii dhowaa, dhowr jeer anagoo qaban-qaabinayna idaacadda “Afrika Oggi” ee Radio Radicale, waxaan raadinay macluumaad ku saabsan xaaladda Silvia Romano, waxaana si soo noq-noqosho leh u heleynay astaamo muujinaya inay nooshahay. Si taxaddar leh, si kastaba ha noqotee, waxaan dooranay inaan ka aamusno mawduuca, si aanan u carqaladeynin howsha cajiibka ah ee kuwa ka shaqeynayay inay dib ugu soo celiyaan xorriyaddeeda.

Maanta, waxaan dhihi karnaa in kuwa ku guuleystey inay xiriir la sameeyaan afduubeyaashii Silvia Romano ay ahaayeen sirdoonka Soomaaliya (NISA), ayada oo uu hagayo madaxooda Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, weriyihii hore ee Al Jazeera isla markaana ka mid ah la-taliyayaasha uu ugu dhageysiga badan yahay Madaxweyne Farmaajo. Intaas waxaa dheer, madaxweyne Farmaajo wuxuu aad u daneynayay sii deynta Silvia Romano, maxaa yeelay afduubkeeda ayaa dhacay intii lagu guda jiray booqashadiisa rasmiga aheyd ee Talyaaniga.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah shakhsiyaadka ugu saameynta badan Soomaaliya, waxaana sababo la xiriira xiriirka wanaagsan ee uu la leeyahay Qatar, uu ahaa maskaxdii ka dambeysay doorashadii labada madaxweyne ee Jamhuuriyadda Federaalka ee xilligii kala guurka: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud (2012) iyo Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo (2017).

Talyaaniga, Turkiga, Qatar iyo Soomaaliya waxay dhammaantood gacan ka geysteen siideynta Silvia Romano, iyadoo oo uu hagayo hoggaanka NISA, oo runtii ahaa udub dhexaadka dhabta ah ee siideynta gabadha aan isku dalka nahay.

Talyaanigu wuxuu si cad u danaynayay sii deynta Silvia Romano, ayada oo la eegayo caqiidada ah in dadka Talyaaniga ah ee la afduubto aan waligood lagu halleyn naftooda, xaalad kasta oo qalalaase ee adduunka ka jirta.

Turkiga waxa uu lahaa kaalinta damaanad qaadidda bixinta madax furashada, iyagoo hubinayey in lacagtu aysan ku dhici doonin ugaarsadayaasha iyo afka kuwa iimaanka darran. Waxay sidoo kale ku yabooheen qalabka farsamo ee howlgalka.

Qatar waxay lahayd kaalinta dammaanad qaadka si wanaagsan ula dhaqanka Silvia Romano. Qatar waxaa horey loogu eedeeyey inay maal-geliso Al-Shabaab, taasi oo gaartay heer eedeyntani ay ka mid ahayd doodihii ay taageertay Sacuudiga markii 2017 ay u jartay xiriirka diblomaasiyadeed, ayada oo ay wehliyaan dalal badan oo ka mid ah kuwa Khaliijka.

Weligeed ma jirin wax caddeyn ah oo ku saabsan maal-galintaas, laakiin Qatar waxaa la rumeysan yahay in xiriirka ay la leedahay kooxda Al-Shabaab uu yahay mid ay ku raadineyso dib-u-heshiisiin guud oo dadka Soomaaliyeed ah iyo hab sharaf leh oo ay ku baxaan maleeshiyada Al-Shabaab, haddii ay ka tanaasulaan halganka hubaysan. In Silvia loola dhaqmo si bani’aaadannimo waa waxa ay Qatar dooneysay.

Wax ay ahaataba, Qatar iyo Turkiga waxay xulafo ku yihiin siyaasadda dhaqaale iyo duruufo kale oo badan oo juquraafi ah, kasoo billow Syria ilaa Ikhwaanul Muslimiinka, inay wada mucaaradsan yihiin Al Sisi, oo xukunka la wareegay markii uu afgambiyey “Walaalkood” Morsi, iyo inay taageeraan Al Serraj-ka Libya.

Xiriirka Turkiga iyo Qatar ee Soomaaliya waa qeyb kale oo ka mid ah xiriirka ka dhexeeya labada dowladood, waxaana ninka xudunta u ah isbaheysigan uu yahay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo gacmihiisa ay qorsheeyeen sii daynta Silvia Romano.

Maanta, waxaan dib u milcsan karnaa, in ku dhawaad ​​toban maalmood ka hor Fahad Yaasiin Xaaji Daahir uu ka duulay magaalada Muqdisho una aaday magaalada Kismaayo oo qiyaastii 300 kiilomitir u jirta soohdinta ay Soomaaliya la wadaagto Kenya, iyadoo shaqada rasmiga ah ee safarka ay ahayd idib isugu keenidda dowladda dhexe iyo Axmed Madoobe oo Madaxweyne Farmaajo uu u arko in si sharci darro mar saddexaad loogu doortay inuu madaxweyne u noqdo gobolka koonfurta ee Jubaland, iyadoo Kenya ay taageereyso, inkasta oo sharcigu oggol yahay in la doorto laba mar kaliya.

Safarkaas waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa wada-hadallada sii deynta Silvia iyo soo helista caddeymo muujinaya in weli ay nooshahay. Waxaa xigey taas in Silvia loo wareejiyay meel u dhow Afgooye, oo ah magaalo qiyaastii soddon kiiloomitir koonfur ka jirta Muqdisho, laakiin hadda ku dhow in lagu daro caasimadda sii ballaaraneysa. Halkaas, Silvia Romano waxay dhowr maalmood ku sugeysay sii-deynteeda.

Is-dhaafsiga Silvia iyo lacagta mnadax-furashada ayaa ka dhacay meel u dhow beerta Xaaji Mire Indha Yare, oo ahaa mudane xubin ka ahaa kooxdii “Il Manifesto”, taasi oo 1989-kii ayada oo uu hogayo qareen Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble, kasoo horjeestay Maxamed Siyaad Barre. Dhaqdhaqaaqaasi waxaa markii dambe ka dhashay USC – United Somali Congress – oo aakhirkii uu la wareegey Jeneraal Maxamed Faarax Xasan, oo loo yaqaanay Caydiid oo gacan ka geystay dhicitaankii Siyaad Barre.

Hal-abuurka hawlgallada ayaa horseeday guusha himilada taasi oo qof walbaa uu ku farxi karo. Gaar ahaan, hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab waxay ku farxeen, markii ayaga oo fadhiya fadhi carbeedyadooda, ishana ku hayo roogga quruxda badan, gacanna kula cayaaraya garkooda la mariyey cillaanka, gacanta kalena ku tasbiixsanaya, ay Internet-ka ka daawadeen muuqaallada Silvia oo diyaarad kasoo dageysa garoonka Ciampino.

Waxay aad ula dhaceen muuqallada Silvia Romano oo madaxeedu xijaaban yahay, gacmahana ugu jiraan gacmo-gashi, ayna xiran tahay burqo. Waxay ku farxi doonaan, inkasta oo ay sii daayeen inay haddana weli ku dhaqmeyso diinta Islaamka oo ay shaaca ka qaaday inay qaadatay. Waa muuqaa guul u ah koox shalay ka hor loo arkay argagixiso dadka cunaha gooya.

Xigasho: caasimada.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here