Sildhigga ciidan Mareykanka ee ka dambeeyay dusinta COVID-19

Coronavirus2

Olole war-bixin ah oo sheegaysa in cudurka Covid-19 uu ka yimid saldhig militari oo Mareykanka ku yaalla, gaarahaan gobolka Maryland, ayaa caan ka noqotay dalka Shiinaha, ka hor inta aan la siidaynin warbixinta sirdoonka Mareykanka ee ku saabsan asalka fayraska iyo halka uu ka soo askumay.

Bishii May, madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa amar ku bixiyay in baaritaan 90 maalmood ah lagu sameeyo halka fayraska Covid-19 uu ka yimid iyo haddii uu ku yimid si aan ula kac ahayn ama uu xiriir la leeyahay aadamaha oo uga soo dusay xaywaanaadka.

Wixii ka dambeeyay markii ay soo baxday fikradda ah “in Wuhan shaybaar ku yaalla uu ka soo dusay”, waxaa arrintaas beeniyay inta badan seynisyahannada.

Balse hadda iyada oo lagu wado in la sii daayo warbixinta, Shiinaha ayaa billaabay isdifaacid. Isbuucyadii la soo dhaafay, Shiinaha wuxuu billaabay weerar-celis la xiriira in Covid-19 uu sameeyay Mareykanka.

Iyada oo la adeegsanayo wax kasta, sida Muusikada raabka ah iyo farriimaha Facebook ee been abuurka ah, khubaradu waxay leeyihiin dadaallada dacaayadda waxay ku guuleysteen ka dhaadhicinta dadweynaha Shiinaha ee gudaha in ay shaki geliyaan dhaleeceynta caalamiga ah ee doorka dalka ee masiibada Covid-19.

Balse, khubarada waxay sheegayaan in Mareykanka uu tallaabo yar u qaaday sidii uu Shiinaha uga xannibi lahaa caalamka kale.

Maxay yihiin eedaymuhu

Inta badan dadka Mareykanka ma garanayaan magaca saldhiga ee ah Fort Detrick, balse gudaha Shiinaha caan ayuu ka yahay magacaan.

Lugaha askeri qori sita

Wararka been abuurka ah ee Shiinaha ayaa sheegaya in Covid-19 lagu sameeyay oo laga soo dusiyay saldhigaas millitari ee Frederick, ee gobolka Maryland, kaas oo qiyaastii 80-kiilo mitir, dhanka waqooyi ka xiga, magaalada Washington DC. Mareykanka ayaa halkaas ku baaraya fayrasyo uu ka mid yahay Ebola.

Hees rap ah oo ay soo saareen koox wadaniyiin ah una dhashay dalka Shiinaha, waxaa ay ku dhalleeceynayaan shaybaaarkii sameyay waxay ku tilmaameen shirqool sida uu baahiyay, Zhao Lijian, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha.

Heesta erayadeeda waxaa ka mid ah “Meeqo shirqool ayaa shaybaarkaaga ka soo baxay/ Maxaad qarinaysaa/ Fur albaabka Fort Detrick, -” Zhao ayaa ku qoray bartiisa twitter-ka bishaan Agoosto.

Zhao, oo caan ku ah hadallada adag ee dhanka diblomaasiyadda, ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay faafinta aragtida ah “in fayraska karoona asalkiisu ka yimid dalkan Maraykanka”.

Qoraallo dhowr ah oo laga helay barihiisa bulshada, gaarahaanna twiiter-ka, sannadkii hore, ayaa markii ugu horreysay si weyn u soo jiitay dadka, wuxuun u dhignaa sidaan.

“Maxaa ka dambeeya xiritaanka Saldhiga Fort Detrick?” qoraal kale oo uu qoray bishii July ee isla sannadkii 2020-kii, ayaa sidaan u qornaa: “Goorma ayay Mareykanka casuumayaan khubaro si ay u baaraan asalka fayraska?”

Dacaayad laga bilaabay Switzerland ilaa Fiji

Khubaradu ayaa sheegaya in Beijing ay raadinayso in dadka aan Shiinaha ahayn ay ka dhex abuurto muran ku saabsan asalka Covid-19.

Bishii July, warbaahinta dawladda Shiinaha waxay bilaabeen in ay si hagar la’aan ah u tabiyaan dhaleeceyn lagu qoray barta Facebook.

Wilson Edwards, oo ah nin aad u isticmaala baraha bulshada una dhashay Swiss, ayaa ka mid ah dadka baahiyay qoraallada ay tabisya warbaahinta Shiinaha.

‘Edwards’ wuxuu ku dooday in Washington ay “aad ugu mashquulsan tahay in ay ku weerarto Shiinaha arrinta la xiriirta raadinta asalka fayraska.

Balse safaaradda Switzerland ee Shiinaha ayaa markii dambe sheegtay in aysan aqoonin muwaadin dalkooda u dhashay oo magaca ninkaa leh, waxayna ku boorisay warbaahinta Shiinaha in ay meesha ka saaraan wararka “been -abuurka ah”.

Shiinaha muxuu ka yiri daacayadda?

Ololihii ugu dambeeyay ee saamaynta adduunka ee Shiinaha ee ka dhanka ah Covid-19 ayaa laga yaabaa in ay wadanka ka dhigto mid aan lahayn saaxiibbo badan oo dibedda ah, laakiin falanqeeyayaasha ayaa sheegaya inay ku guuleysatay qancinta dadkooda gudaha.”Inta badan, walaaca ugu weyn ee dowladda Shiinaha waa arrimaha gudaha.”

Kaaliyaha Xiriirka Caalamiga ah ee Jaamacadda Gobolka Georgia, Professor Maria Repnikova ayaa BBC -da u sheegtay in diblomaasiyiin badan oo Shiinaha u dhashay, ay dhowaan billaabeen in ay qoraallo ku faafiyaan barta Twitter -ka, ka dibna laga mamnuucay dalka, laakiin farriimahooda dagaalka ayaa u muuqdo inay ku wajahan yihiin dadka gudaha.

Prof Repnikova ayaa sheegay in Shiinaha uu muddo sanado ah qarinayay soohdimaha u dhexeeya dacaayadda gudaha iyo tan dibaddaba, laakiin istaraatiijiyadan ma noqon karto halis la’aan, maaddaama farriinta dibadda ee aan waxtarka lahayn ay culeys ku keeni karto xiriirka dibadda ee Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here