Silvia Romano oo dalkeedii ku laabatay kadib markii laga sii daayey Al-Shabaab

Silvia Constanca Romano3

Silvia Constanca Romano, oo ah haweeney samafalka ka shaqeysa, ayaa maanta ku laabatay magaalada Roma, kadib markii laga sii daysay kooxda Al-Shabaab oo in ka badan sanad iyo bar afduub ugu haysatay Soomaaliya.

Silvia, oo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay kasoo qafaalatay deegaanka Chakama ee County-ga Kalifi ee dalka Kenya bishii November ee 2018-kii, ayaa lagu sii daayey howl-gal habeenkii Jimcaha ka dhacay meel 30 KM u jirta magaalada Muqdisho, kaasi oo ay fuliyeen ciidamada sirdoonka talyaaniga ee Aise.

Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte ayaa Silvia kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Ciampino ee magaalada Roma, halkaasi oo ay cago dhigatay diyaaraddii ka qaaday magaalada muqdisho.

Waxaa la arkayey ayada oo aad u faraxsan oo dhoola-cadeeneysa islamarkaana hab siineysa hooyadeed iyo walaasheed

“Aad ayaan u fiicanahay iminka, waxaan doonayaa kaliya inaan la midoobo qoyskeyga oo aan muddo arag,” ayey tiri Silvia.

Diyaaradda Silvia ka qaaday Muqdisho, ayaa ka degtay garoonka Ciampino 2:00pm ee xilliga Roma, waxaana dadkii soo dhoweeyey ka mid ahaa, ra’iisul wasaare Giuseppe Conte, wasiirko arrimaha dibedda Luigi Di Maio iyo xubno ka mid ah qoyskeeda.

“Nasiib wanaag, jir ahaan iyo maskax ahaan waan wanaagsanahay. Aad ayaan u faraxsanahay, kadib wax badan waa ay wanaagsan tahay inaan soo laabtay,” ayey tiri Silvia.

Silvia ayaa waxa ay xirneyd dhar Soomaali dirac iyo xijaab ah, ayada oo sidoo kalena sidatay maaskaro iyo gacmo gashi looga hortago cudurka Coronavirus.

“Soo dhowow Silvia. Waa astaan rajo iyo kalsooni muujineysa in dalkaaga uu ku joogo, oo aanay dhibaatooyinka kale ee jira ka mashquulin inuu ku caawiyo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Conte.

Sida la xaqiijinayo sii deysmada Silvia ayaa waxaa muddo ka shaqeynaysay Hay’adda Sirdoonka Dibedda iyo Amniga Talyaaniga ee loo soo gaabiyo Aise, ayaga oo ay kala shaqeeyeen kuwa Soomaaliya iyo Turkiga.

Hoos ka daawo sawirrada iyo muuqaalka Silvia ee Roma

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here