Silvia Romano oo shaaca ka qaaday magaceeda cusub kadib markii ay Islaamtay

Silvia Constanca Romano6

Silvia Romano, oo kadib markii ay sii daayeen Al-Shabaab oo ay ku laabatay Talyaaniga shaacisay inay diinta Islaamka qaadatay, ayaa sidoo kale wareysi lala yeeshay ku sheegtay magaca cusub oo ay la baxday.

Silvia ayaa waxay sheegtay inay dooratay magaca Caa’isha, oo ah magacii xaaskii rasuulka NNKH ee Caa’isha Bint Abu Bakar.

“Qur’aanka ayaan aqriyey, waan duceystay muddo ayaan ka fakarayey, ugu dambeyntiina waxaan qaatay go’aankayga,” ayey tiri Silvia.

Waxay sheegtay in go’aankeeda diin qadashada uu ahaa mid ay si iskeed ah u qaadatay, oo aan lagu qasbin.

Silvia ayaa intaas ku dartay in hooyadeed iyo qoyskeeda ay si buuxda ugala hadli doonto arrintan, islamarkaana ay u sharxi doonto go’aankeeda. “Wax walba waan idiin sharxi doonaa,” ayey tiri Silvia.

Warbaahinta iyo dadka Talyaaniga qaarkood ayaa rumeysan in muddadii la haystay ay maskaxdeeda wax u dhimeen, sidaas darteedna go’aankeeda laga yaabo inuu yahay mid sidaas ka dhashay, waxayna sheegeen in hadda oo Talyaaniga ay joogto la ogaan doono go’aankeeda rasmiga ah kadib marka ay nasato.

Silvia ayaa dhinaca kale sheegtay inuusan jirin wax guur ama xiriir ah oo ay la sameysay kuwii haystay, sida warbaahinta qaar ay ku xamaneysay.

“Ma jirin wax guur ama xiriir ah oo aan la lahaa kuwii I haystay, waxaa naga dhaxeysay kaliya is-xushmeyn,” ayey tiri Silvia Romano.

Silvia Romano ayaa waxaa lasii daayey habeenkii Jimcaha, waxaana sii daysamadeeda ka shaqeeyay sirdoonka Talyaaniga oo kaashanaya kuwa Soomaaliya iyo Turkiga, ayada oo laga bixiyey lacag madax furasho ah. Halkan ka aqri habka loo sii daayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here