Silvio Romano oo shaaca ka qaaday waxa ugu weyn ee ku dhaliyey inay Islaamto

Silvia Constanca Romano6

Haweeneydii ay dagaalyahanada Al-Shabaab ka afduubteen gobolka Waqooyi Bari Kenya ee Silvio Romano isla markaana la baxday Caa’isha markii ay qaadatay diinta Islaamka ayaa ka sheekeysay dhawr su’aalood oo ay is weydiisay intii ay xirneyd.

Dhamaadkii 2018 ayey kooxo hubeysan qafaasheen waxaana lasii daayay bishii May 2020 iyadoo dib ugu laabatay wadankeeda talyaaniga ka hor inta aysan sheegin iney qaadatay diinta Islaamka.

Dood badan ayaa ka dhalatay iney qaadatay Diinta Islaamka, dhawaan waxaa xil laga siiyay ururka la dagaalama islaam naceybka ee qaaradda yurub, hadana waxey dib uga sheekeysay su’aalahii ay is weydiisay intii ay xirneyd iyo sidoo kale arinta ugu weyn ee ku kaliftay iney qaadato diinta Islaamka.

Gabadhaan wey ka gaabsatay goobta lagu haayay, balse waxey sheegtay in duqeymaha ay mareykanka ka geytaan gudaha Soomaaliya ay cabsi badan ku abuurtay isla markaana ay is weydiisay hadii ay ku dhimato iyadoo aan heysan diinta Islaamka.

Koonfurta Soomaaliya ayaa lagu hayay sida la fahamsan yahay, waxaana la sheegay in madax furasho lagu bixiyay sii deynteeda.

“Markii la i afduubay waxaan bilaabay fakar, waxaan bilaabay inaan su’aalo is weydiiyo ku saabsan waxa igu xeeran, waxaan halkaan u imid inaan samafal sameeyo, tani ma fursad ay tahay inaad ka faa’ideysataa? maxaa dumar kale loo afduuban waayay? ma jiraa qof ugu yaran i badbaadin kara?, waxaan qirsanahay in su’aasha koowaad ay tahay waxa ii dhaweeyay ALLE” ayey tiri iyadoo la hadleysay Muslimka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here