Siyaasi Cismaan Qawdhan oo xukuumada Somaliland ku xidhay Hargeysa

0

Waxaa lagu xidhay magaalada Hargeysa Siyaasiga kasoo jeeda gobolada SSC ee Cismaan Qawdhan Warsame.

Illaa iyo imika dawladu wax war ah kamay soo saarin sababta loo xidhay siyaasiga.

 Laakiin Dad xog-ogaal ah ayaa sheegaya in loo xidhay eedayn Somalilanddiid ah oo ay ku soo oogeen Wasiir Saleebaan Cali Koore iyo xildhibaan Indho Indho oo ay isku beel kasoo jeedaan Cismaan Qawdhan Warsame.

 Eedayntan ayaa salka ku haysa Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore iyo xildhibaan Indho Indho oo xilalkooda uga baqay siyaasi Cismaan Qawdhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here