Somaliland: Ma jiraan beelo Darafyo iyo raadin saami-qaybsi oo ay ku mideysan yihiin

Komishinka Doorashada SL

Waxaa beryihii ugu dambeeyey Somaliland ku soo badanayey shaqsiyaad ama kooxo caadeystay inay saxaafada ka hadlaan oo ku doodaya sheegashada Beelaha Darafyada iyo saami-qaybsi ay u raadinayaan, iyadoo aanay Somaliland ka jirin beelo Darafyo iyo raadin saami-qaybsi oo ay ka mideysan yihiin.

Xog rasmi ah oo shabakadda xaysimo ka heshay gudiga sare ee ay leeyihiin Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn iyo shirar ay la yeesheen dhinacyo kala duwan, waxaa la xaqiijiyey inay soo bandhigeen dhowr qodob oo ay ka mid yihiin;

In la qabto doorashada Goleyaasha oo mudo 20 sano ku dhowr kuraasta ku fadhiyey oo fadhiidka noqday.

In maadaama aanay suurtogal ahayn in tirokoob laga gaarsiiyo, waxa keliya ee la adeegsan karaa oo doorasho lagu geli karaa ay tahay saami-qaybsigii 1960 oo wax lagu qaybsado, si aan loo abuurin khilaaf hor leh iyo in Somaliland laysku cuna duubo.

In Beelihii dimoqraadiyada ku boobay kuraastii Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay dib u soo celiyaan, mar dambena aanay u hanqal taagin boob dambe.

In Xukuumada Somaliland fuliso heshiisyadii kala dambeeyey ay la gashay degaamada SSC, sida heshiiskii Khaatumo iyo kii Awrboogeys.

Sidaasdarteed mar haddii degaamada SSC ay aaminsan yihiin qodobada kor ku qoran, ma jirto beelo darafyo iyo raadin saami-qaybsi oo ay ka mideysan yihiin, laakiin beeshii wax dheeraada raadsanaysaa xaq bay u leedahay inay u raadsato cidii ay ka helayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here