Somaliland oo barokicin iyo hanti burburin ku sameysay ganacsatadii danyarta ahayd ee Laascaanood

0
Cabdirashiid Qambi3

Maamulka Madaxweyne Muuse Biixi ayaa fal arxandaro ah oo hanti burburin iyo baro kicin isugu jira kula kacay ganacsatadii danyarta ah ee Magaalada Laascaanood.

Waxay cagta mariyeen kumanaan meheradood oo ay nolol maalmeedkooda ka heli jireen tobanaan kun oo qof.

Dadkan danyart ah oo u halgamayey nololmaalmeedka qoysaskooda ayaa si ku meelgaar ah waxay sandaqado uga dhisteen meelo ay u arkayeen inay ganacsiga ku aboontay, oo weliba qofka dulka iska leh ay kiro siin jireen, dadkaas iyadoo aan meel iyo wax nolol ah loo diyaarin ayaa hantidii yarayd ee ay sanada badan soo tabcayeen la burburiyey.

Hargeysa dadkan oo kale marka la rarajo waxaa loo dhisaa meel ganacsi oo ay nolosoodii ka sii waxaan, kuwii Sool ee ka dibaatada badnaana iyadoo aan lays weydiin baa tacabkoodii la burburiyey.

WASIIRKA HAWLAHA GUUD CABDIRASIID DUCAALE QAMBI (RAAF):

Adoonka ilaahay ee wanaagsan markii risiqa iyo derejada loo kordhiyo wuu ku xamdiyaa, kan xumina wuu ilaawaa dhibtii soo martay oo kibir ayuu ka qaadaa, Wasiir Cabdirashiid mudo dheer buu Hargeysa baagamuudo ku ahaa, weliba caruur ku korsanayey, haddii isaga ilaahay Muuse Biixi u sakhiray ma ahayn inuu kibar iyo magaalo ayaan qurxinayaa uu danyarta Laascaanood la soo doonto, ee waxay ahayd inuu wixii soo maray ku quduro qaato oo uu garto xaalada dadkani ku sugan yihiin iyo inay nololmaalmeedkoodii la dagaalamayaan, xumaanta uu Laascaanood ka sameeyeyna waa mid u taalla.

MAAMULKA GOBOLKA IYO DEGMADA:

Waxaa cad in maamulka Gobolka iyo kan degmaduba aanay u qalmin xilalka ay ku magacaaban yihiin, oo iska biniaadam ay maamulaane ee xitaa aan duunyo lagu aamini karin, kumanaanka qof ee meheradaha laga burburiyey waa shaqo la’aan iyo baahi degaankooda u soo korodhay, waa qayru-masuuliyiin muujiyey in aanay ka naxaynin dhibta iyo baahida ay dadkooda u horseedeen, Laascaanoodna ma joogto waqtigii sandaqadaha la burburin lahaa, waxaa laga yaabaa inay xeerinayaan boos yar oo meel uga soo baxa.

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI:

Madaxweyne Muuse Degaamada SSC barakicin iyo dagaalkii Tukaraq buu ku bilaabay, wax ka fiicana kama sugeyn, balse falkani wuxuu u sii quus gooyey qofkii rajo ka qabay, waxaa haboon inuu Laascaanood u daawasho tago, kuna soo raaxaysto kumanaanka qoys ee uu nolol maalmeedkoodii iyo tacabkoodii burburiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here