Somaliland oo ka falcelisay kulan ay yeesheen Farmaajo iyo danjiraha Shiinaha

yaasiin faratoon

Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay kulankii shalay magaalada Muqdisho ku dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Yaasiin Faratoon ayaa sheegay inaysan marnaba Somaliland saameyn ku yeelan doonin kulamada ka dhanka ah ee ay ku howlan tahay dowladda federaalku.

Wasiir Faratoon ayaa carabka ku adkeeyay in xiriirka cusub ee Somaliland la yeelatay Taiwan uusan waxba ka badaleyn kulankaasi ka dhacay Muqdisho, oo si gaara diirada loogu saarayey xiriirka iyo heshiiskaasi cusub.

“Waa wax aan fili karno, labadooda taas ayey ka wada duulayaan, laakiin annaga ma ahan wax na khuseeyo, waxey iyagu ku heshiiyeen iyo waxey ka wada hadleenba lama socono mana ahan wax aan ku raacsanahay oo iyaga ayey danahooda tahay, anaga iyo Taiwan waxaa naga dhaxeeya dano kale,” ayuu yiri Wasiir Yaasiin Maxamed Faratoon oo la hadlayay idaacadda VOA.

Faratoon ayaa sheegay in Taiwan iyo Somaliland ay dano isku mid ah kala dhaxeeyan, isla markaana ay khuseyn oo waxba yeelayn kulamada dowladda federaalka iyo Shiinaha ee la xiriira heshiiiska cusub ee dhawaan ay kala saxiixdeen.

Heshiiska cusub ee ay dhawaan kala saxiixdeen Taiwan iyo Somaliland ayaa abuuray xiisad cusub, maadama ay labada dhinac kala sheeganayaan inay qeyb ka yihiin Soomaaliya iyo Shiinaha.

Waxaa la fahamsan yahay in danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya (Qin Jian) iyo madaxweyne Farmaajo ay labaduba ka mideysan iney xad gudub tahay xiriir diblomaasiyadeed oo dhexmara labada maamul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here