Somaliland oo kiisaskii ugu badnaa ee Coronavirus ah laga helay

Coronavirus2

Somaliland ayaa maanta shaacisay inay diiwaan-gelisay kiisaskii ugu badnaa oo ah cudurka Coronavirus, kuwaas oo ah 13 qof, taasi oo tirada guud ee Somaliland ka dhigtay 19 kiis.

Kiiskan cusub ayaa waxaa shaaciyey Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa.

“Somaliland waxaa la caddeeyey inuu xannuunkani marayo 19 kiis, sidaas darteed, waxaynu joognaa marxalad loo baahan yahay inaynu qaran ahaan maskax, muruq iyo maalba iskugu geyno sidii loo xakameyn lahaa Inta aanu Fayraskaasi sadhaynin bulshadeenna isla noosha ah ee ay suurtowdo in toban qof iyo ka badani ay wada degan yihiin guri kaliya oo dantu ku qabatay” ayuu yiri Koore.

13-ka kiis ee cusub ee Somaliland ay shaacisay ayaa kiisaska guud ee Soomaaliya ka dhigaya 328 kiis.

Dhinaca kale, Somaliland ayaa maanta ku dhowaaqday go’aan ay muddo diidaneyd inay qaadato, oo ah inay mamnuucdo qaadka.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ka hor-tagga COVID-19 ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Muddo 25 cisho ah oo ka bilaambaysa 26-ka April, guud ahaan Somaliland laga joojiyay keenista iyo ka ganacsiga qaadka.

“Maamulada gobolada iyo degmooyinka iyo Ciidamada kala duwan ee qaranka waxa ay qaban doonaan isla markaana gubi doonaan haddii wax qaad ah dalka soo galo muddadaas, Waxa ay la wareegi doonaan gaadiidka sida, sidoo kalena waxa sharciga la horkeeni doonaa cid kasta oo qaad soo gelisa ama ka ganacsata,” ayaa lagu yiri qoraalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here