Somaliland oo shaacisay in cudurka Covid19 uu soo gaaray Hargeysa, Burco iyo Berbera

Coronavirus2

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in xanuunka COVID-19 uu soo gaadhay dalka Somaliland, sidaa darteed waxa uu bulshada u soo jeediyey in ay qaataan fariimaha guddiga heer qaran ee ka hortaga xanuunka COVID19.

Saleebaan Yuusuf ayaa xusay in cudurku oo soo gaadhay magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Berbera, waxana uu yidhi “Maanta Xanuunku Hargeysa , Burco iyo Berbera wuu jooga ee is ilaaliya oo salaanta, isku soo dhawaashaha iyo gacan qaadka joojiya, qof ayaa dilli kara boqol qof isaga oo aan ogayn ama aan masuuliyad iska saarin marka aynu qaadno tallada dhakhaatiirta “

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray “Dad ayaa tijaabadooda la wadaa wayna badan tahay, labadii qof ee hore waynu xaqiijinay inuu hayo, bahalkii (Corona) wuxu inala jooga degelka ee yaynaan is diidsiin “

Ugu danbayn waxa uu bulshada u soo jeediyey in ay qaataan farriimaha guddiga heer qaran ee ka hortaga xanuunka COVID19. “Hooyo kasta iyo qofkasta yaynaan is diidsiin ee ay iska ilaalino oo aqbalno talooyinka Caafimaadka ee dunidu soo jeedinayso , dhakhaatirteena iyo guddiguna ay idinla wadaagayaan” ayuu yidhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here