Somaliland oo shaacisay magaalada labaad ee ay ka billaabeyso masaafurinta Soomaalida

astaanta somaliland

Taliyaha laanta socdaalka gobolka Sanaag, Siciid Cige Maxammed oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa shaaciyey inay bilaabayaan musaafurinta dadka kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan magaalada Ceerigaabo.

Amarka oo si toos ah uga soo baxay xukuumadda Muuse Biixi ayaa waxa uu sheegay Taliyaha in muddo 15 maalmood gudahood ah lagu fulin doono, ayaga oo bartilmaameedsan doona dadka deegaanadaas kasoo jeeda, oo ay ku jiraan ganacsato.

“Waala saarayaa cid been u sheegi kartaana ma jirto, waxay kaga baxayaan muddo 15 cisho ah, xeerkaasi waa xeerka socdaalka, wuxuu dhigayaa in ajaanibka aan u dhalan dalka iyo muwaadiniinta la kala saaro, waxaanu u aqoonsanahay niman Soomaaliyeed oo koonfurta Soomaaliya ka yimid anaguna waxaanu nahay Somaliland,” ayuu yiri Taliye Siciid Cige.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka uu hore u sii diiwaan-geliyay magacyada shakhsiyaadka la musaafurinayo, ayaga oo loo qabtay in 21-ka bisha ka horeysay ay ka baxaan gobolka Sanaag iyo guud ahaan deegaanada Somaliland.

“Horay ayaanu u diwaan galinay dadkan, waa kuwaa sawiradoodi waad aragtaan, anaga waa naga diyaar, hadaanu socdaalka nahay, magacii qofkii iyo sawirkiisii, saacada loo qabtay ee 21 bisha waa in ay ku baxaan, amniga dalkana dowladu amar ayay bixisay.”

Dhanka kale, Maxamed Khaliif Nuur waa guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sanaag ahna sii hayaha Gudoomiyaha gobolka oo la hadlay idaacada BBC-da ayaa sheegay in dadka la musaafurinayo ay qeyb ka yihiin Itoobiyaanka ku sugan gobolkaas.

Waxa uu sheegay in gobolka uu siiyey muddo ku filan dadkaas la musaafurinayo si ay ugu diyaar garooban ayna kusoo aruursadaan deyntooda iyo wixii u kala daadsan.

“Waxaa aaminsanahay in muddadaas ay ku diyaar garoobi karaan ka xukuumad ahaan kuna gaari karaan deegaanadii ay hore ugu soo kicitameen, iyagu maaha dad deegaan ah oo waa dad baayac-mushtar ah oo alaab iibinaya ee maaha dad beero iyo guryo sameystay, waana amar kasoo baxay dowladda,” ayuu yiri.

“Gobolada bariga waxaa ka dhacay dilal badan markaa iyada oo la doonayo in arrimaha amniga wax laga qabto ayaa keentay in la kala saaro dadka muwaadiniinta ee reer Somaliland iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ee deriska la ah Somaliland, dariiqa nabad-galyada loo marayo ayaa keentay in dadkaas la saaro.”

Amarka musaafurinta ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan magaalada Laascaanood laga saaray dad la sheegay in ay ka soo jeedaan Koonfurt Soomaaliya, kuwaasi oo aan hore loo sii ogeysiin in la raafayo, taasi oo si weyn loo cambaareeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here