Somaliland oo si adag uga hortimid magaabista Yuusuf Garaad

astaanta somaliland

Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay si adag uga hortimid xil uu madaxweynaha Soomaaliya maalintii shalay u magacaabay Yuusuf Garaad Cumar, kaasi oo ahaa inuu noqdo Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada arrimaha dibedda Somaliland ayaa lagu sheegay in magacaabistaasi ay tahay mid laga leeyahay ujeedo lagu rabo in lagu maran habaabiyo aragtida iyo fahamka bulshada caalamka ee ku aadan madax-banaanida Somaliland.

“Jamhuuriyadda Somaliland waa dal madax-bannaan oo si buuxda oo u maamula xuduudihiisa dhul, bad  iyo hawo. Somaliland waa dal bogcad muhiim ah kaga yaal qaaradda Afrika, gaar ahaan Badda Cas iyo  marin biyoodka istaraatejiga ah ee Gacanka Cadmeed (Gulf of Aden)” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Somaliland ayaa magaabista Yuusuf Garaad ku tilmaamtay mid ah “riyo maalmeed iyo sheegasho aan jirin”, iyadoona ku dooday in Soomaaliya aysan meelna ku laheyn gacanka cadmeed, marka lagu saleeyo xuduudihii  gumeysiga ee khariidadda Qaaradda Afrika.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in arrintaasi ay tahay fara-galin qaawan iyo dagaal siyaasadeed oo ka dhan ah xukuumadeeda, isla markaana ay diyaar u tahay difaaca madax-banaanideeda iyo xuduudahaba.

Waxay ku wargalisay beesha caalamka, Midawga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD inaysan Somaliland marnaba aqbaleyn magacaabista uu shalay sameeyay madaxweyne Farmaajo, isla markaana ay wax wal oo ay ku kacayso naf iyo maal ay ku difaacan doonto qadiyadeeda.Ergeyga uu shalay

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliland ayaa waxa kale oo lagu sheegay in Somalland tahay mid si madax bannaan u maamusha Xaduudaheeda, sida, Dhul, Bad iyo Hawaba, sidoo kalena Bugcad weyn kaga yaal Qaarada Afrika gaar ahaan Badda cas iyo marin biyoodka istiraatiijiga ah ee Gacanka cadmeed.

“Magaacabista ergayga u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas, iyo Gacanka Cadmeed ee maamulka  Muqdisho waa riyo maalmeed iyo sheegasho caalwaa ah, ujeedada la ga leeyahay na waa sidii loo marin  habaabin lahaa aragtida iyo fahanka bulshada caalamka ee ku wajahan qaddiyadda madaxbannaanida  Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Waxa kale oo lagu yiri “Waxay Somaliland u caddaynaysaa bulshada caalamka in aanay jirin xildhibaanno ku matala  dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland golayaasha sida dadban loo gu doorto Soomaaliya, balse ay  yihiin ashkhaas aan cidna ku matalin xilalka ay ku magacaaban yihii. Waana xilal ujeeddada la ga leeyahay  ay tahay indho sarcaad siyaasadeed”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here