Somaliland oo si weyn uga soo horjeesatay isbaheysiga looga dhawaaqay Sacuudiga

astaanta somaliland

Somaliland ayaa maanta shaaciyey in aabay aqoonsaneyn isbaheysiga Carabta iyo Afrika ee Isniintii looga dhawaaqay Riyadh, caasimadda Sacuudiga.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay in sababta ay u diideen golahaas ay tahay in aanan laga talo-gelin.

Somaliland ayaa qoraalka ku sheegtay inaysan marnaba wadashaqeyn la yeelan doonin wadadmada ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ilaa inta laga aqoonsanayo gooni isku taageeda.

“Somaliland waa dal madax bannaan dal kale uma daba fadhiisanayso Xuduudaheeda Badeed” ayaa lagu yiri qoraalka.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday madax banaani sanadkii 1991-dii, illaa hadda ma aysan helin hal wadan oo aqoonsado, waxaana loo arkaa Maamul Goboleed kamid ah dalka Soomaaliya.

Isbaheysigan cusub ayaa waxaa ku mideysan illaa sideed dal oo isugu jira dalal carbeed iyo Afrikaan xad la leh Badda Cas iyo Gacanka Cadan, waxaana qorshahan uu qeyb ka yahay dadaal la doonayo in lagu xoojiyo iskaashiga iyo is dhexgalka dhaqaale ee Gobolka.

Wasiirada Arrimaha dibadda dalalka Sacuudi Carabiya, Suudaan, Soomaaliya, Jabuuti, Masar, Urdun, Yemen iyo Eritrea ayaa saxiixay Axdiga Golaha ee loogu gogol xaarayo shirka Madaxda wadamadan ee dhowaan la qabanayo.

Halkaan hoose ka akhriso warka kasoo baxay Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here