Somaliland: “Wasiirka reer Puntland ee leh waxaan qabsaneynaa Laascaanood, xafiiskiisa baa inoo muuqda”

astaanta somaliland

Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab kulul ka bixisay sheegashadii dhawaan kasoo yeertay maamulka Puntland, ee ku shaacisay in maamulkooda uu maalmo gudahood gacantooda kusoo celinayaan magaalooyin ay isku hayaan Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhaban-cad oo barta maqal dhageysiga Clubhouse kula hadlayay jaaliyadda Puntland ayaa wuxuu sheegay inay wadaan maamul ahaan nidaam iyo qorshe ay dib ugu qabsanayaan gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo Somaliland qeybo badan ay ka haysato.

Wasiirka arrimaha bulshada Somaliland, Mustafe Godane oo daba socda hadalka Wasiir Dhabancad ayaa sheegay inuu waxba kama jiraan yahay sheegashada Puntland, islamarkaana ay xukuumadda Somaliland gacanta ku hayso deegaanada gobolka Sool iyo Sanaag.

“Wasiirka leh Sool baan qabaneynaa, ciidamada Somaliland waxay xafiiskiisa u jiraan wax ka yar 19 km, haddii uu daaqadiisa furo oo uu eego wuu arkayaa, cid ka hor joogtana ma jirto ee Somaliland iyada ayaa masuuliyadeeda u dhawraysa wax badan,” ayuu yiri wasiirka  Wasaarada shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada Somaliland Mustafe Maxamuud Cali.

Magaalada Laascaanood ayaa maamulka Somaliland xoog kula wareegay sanadkii 2007-kii, halkaasi oo dagaal xoog badan uu ku dhexmaray labada maamul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here