Somaliland waxay maraysaa in Argagixiso lagu sheego ganacsatada SSC ka soo jeeda ee baad iyo laaluush bixin waaya

0
madaxa hass2

Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa xaalada ay ku sugan yihiin waxaa la oran karaa in GODOB-REEB loo siiyey ururkii SNM, kadib markii maamulkii Kaatumo ee ay dhisteen ay burburiyeen Madaxweyneyaashii kala dambeeyey Soomaaliya sida Xasan Sheekh, Sheekh Sariif iyo Farmaajo ugu dambeyn hal beel ah ugu deeqay raaligelin, beelihii kale uu dhibtii iyo xasuuqyadii loo geystay xaqiray.

Raaligelintii ugu dambeeysey ee Madaxweyne Farmaajo isaga iska indha tiray Xasuuqii Kalshaale iyo tacadiyadii kale ee degaamada SSC, waxay dhiirigelisay in la sii caadeysto in Magaca Somaliland lagu waxyeeleeyo dadka degaamadaas ku dhaqan.

Saacadihii ugu dambeeyey Shirkadda Hass oo ay leeyihiin ganacsato ka soo jeeda degaamada SSC ayaa Somaliland ku tilmaantay Argagixiso iyo inay taageerto Jamhadda SSC, kadib markii ay diideen inay bixiyaan dhaqaale Baad iyo Laaluush ah oo masuuliyiinta Somaliland weydiisteen.

Eedaynta Shirkadda Hass waxaa la soo mariyey Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland Cabdi Rashiid Ducaale Qambi, waxaan shaki ku jirin in Wasiir Qambi laga dhex hadlayo ficiladda uu ku kacayna uu Madaxweyne Muuse Biixi la ogyahay.

Arintan waxaana laga leeyahay qorsheyaal fog sida in la bililiqaysto hantida shirkadda iyo in laysku diro shacabka SSC maadaama la soo dhexmarayo oo gacantiisa wax lagu cunayo Wasiirka degaamada SSC ka soo jeeda la maqaar saaray, waxaana qorsheyaasha QAYBI OO XUKUN oo Somaliland degaamadaas ka caadeysatay.

WAA KUMA WASIIR CABDIRASIID DUCAALE QAMBI

Wasiir Qambi wuxuu ka mid yahay 3 xubnood oo caato ama qabad ah oo degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn ka soo jeeda oo Madaxweyne Muuse Biixi Golihiisa xukuumada ku darsaday, kuwaasoo labada kale kala yihiin Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Yaasiin M Xiir (Faratoon).

Sadexdooda Wasiir Saleebaan baa u budhtuur u ah, Mudadii uu Wasaaradda horumarinta Biyaha joogay wuxuu Magaalada Taleex afarteeda dhinac ka qoday labo Balli iyo labo riig ceel, inkastoo aan weli la intifaacsan, wuxuu ku naasnuujiyey nin ay tol iyo qaraabo yihiin oo lagu naaneyso Aadanka hawada, degmada Xuddun oo dhul xoolaad ah uu iyadana Wasiir u yahay waxay labo sanadood ka baryayeen in ceelkii oo magaaladii soo gaartay, xoolihiina aanay gudaha u soo geli karin tuubo iyo berkad xooluhu ka cabaan banaanka luugu saaro, sidoo kale Ceel dhanka Puntland looga qoday oo laga joojiyey ayaan weli biyo gelintiisii loo dhameynin. NINKA LABO SANO XUDDUN DABA SOCOTAY OO KU QADAY DEGAAMADII KALE MAXAAD MOODAYSAA?

Yaasiin Faratoon inta badan dalka wuu ka maqan yahay, hadduu joogana qof Shaqaale ah baa la bedelay kama badiyo iyo Caagleyaal loo garnaqayo.

Wasiir Qambi wuxuu ahaa nin iska qaraabta, oo si gaar ah dhulalka ku habsiga ah loo soo dhexmaro, balse maanta shirkadihii ganacsi ee Soomaaliyeed baa loo soo dhexmaray.

Baytul qasiidku waxaa weeye Madaxweyne Muuse waa ogyahay,ugumana talogelin in kuwani dad iyo degaan u hayaan, markaa ma haboonayn in shirkadaha uu dhaleecayn marmariyo.

JAMHADAHA SSC

Jamhadaha SSC shirkadda hass ma maalgelin mana Aasaasin, waxay ku yimaadeen rabitaanka shacabkooda iyo dhibaatooyinka la soo dersay, waxayna leeyihiin xuquuqdii ay ku dagaalameen SNM iyo SSDF, waana kuwo jiraya ilaa ay ka buuxinayaan rabitaanka shacabkooda, mana laga yaabo inay cadowga Soomaaliyeed soo kaxeystaan, sidii SNM, SSDF, SPM iyo USC.

Gebagebaddi waxaa ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba ku waajiba in aanay rumaysan dacaayadaha been abuurka ee muraadka leh ee Ganacsatada SSC ku wajahan.

DAAWO WARSAXAAFADEEDKII HASS

Maamulka Shirkadda Hass Petroleum "Wasiirka Howlaha guud ee Somaliland shaxaad loo waayay dartiis ayuu noo sumacad dilayaa"

Slået op af Goobjoog i Tirsdag den 25. februar 2020

DAAWO WASIIR RAAF OO SHIRKADA HASS EEDAYNAYA:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here