SOOL: URURKA REJO OO 3 CASHO KU HELAY KAARARKII UGU BADNAA IYO DR GABOOSE OO EEDAY FIRCOON BAAN LA NOOLAA

cabdillaahi dahab gudoomiye rajo

Urur Siyaasadeed Rejo ee uu Gudoomiyaha ka yahay Siyaasiga Cabdillaahi Axmed Maxamed (Dahab), ku xigeenkana ka yahay Cabdirisaaq Maxamed Jaamac (XAAJI SANWEYNE) ayaa mudo 3 maalmood gudahooda Gobolka Sool kaga helay kaarar ama taageereyaal aad uga badan tiraddii looga baahna, taasoo u saamaxday inuu noqdo ururkii ugu horeeyey ee ku guuleystay inuu tiradii gobolka Sool ee Ururadda Siyaasada Somaliland lagu xiray helo.

Dhanka kale Ururka Barwaaqo ee uu hogaamiyo Dr Gaboose ayaan weli helin tiraddii uu bulshada Gobolkaas uga baahnaa, taas oo ay sabab u tahay kadib markii uu dhowaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre ku sheegay Fircoon, isaguna nebi Yuusuf isku tilmaamay.

Urur Siyaasadeedka Rejo waxaa ku wareegay taageerayaal aad u badan oo badankoodu ka degel regteen Xisbigii Waddani, kaas oo uu hogaamintiisa la wareegay Xirsi Xaaji Cali oo dadka degaamadaasi aaminsan yihiin inuu yahay gacan-ku-dhiigle ka dambeeyey xasuuqii Kalshaale.

Sidoo kale waxay ka rajo dhigeen siyaasada madhaleysnimadda ah ee Musharax Cabdiraxmaan Cirro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here