Soomaalida baadiyaha ma uga badbaadi karaan coronavirus?

reerbaadiye

Qoysas Soomaali ah ayaa lasoo tabiyay inay magaalooyinka ka tageen, iyagoo isku dayaya inay miyiga uga badbaadaan saameynta cudurka Covid-19. Haddaba maxay fikraddaas ka dhigantahay, mase laga yaabaa in cudurka safmarka ah looga nabad galo dhulka baadiyaha ah?

Magaalooyinka waa weeyn ee Puntland dad ayaa ka safray iyagoo ka caararaya xanuunka Covid-19 kaddib markii tirada dadka uu ku dhacay cudurka ee Puntland kaliya ku sugan ay gaareen 38 ruux.

Abshir Cabdullaahi Maxamed, wuxuu ka mid yahay dadka ka guuray magaalada Garoowe ee baadiyaha u cararay.

Wuxuu BBC-da u sheegay in uu reerkiisa kala baxsaday xanuunka fidaya, maadaama “ay dadka badankood u hoggaansami waayeen talooyinka la xiriira ka hortagga cudurka”.

“Runtii waxaan magaalada uga tagnay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dadka oo aan u nugleyn wacyigalinta iyo talooyinka ay farayaan dhakhaatiirta iyo wasaaradaha caafimaadka, magaaladii oo ciriir ah, dadkii oo isdhex socda – arrimahaas oo dhan markaan qiimeynay – waxaan garowsaday maadaama aan anigu shakhsi ahay waxa aan u taliyana uu yahay qoyskeyga inaan carruurta geeyo meel firaaqo fiican ama dadku aysan ku badneyn”, ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in goobta uu hadda joogo aysan dad isku arkin, hawo nadiif ahna ay helaan.

.
Dad badan ayaa u cararay miyiga

Abshir oo kaliya ma aha dadka ka cararay coronavirus ee u firxaday dhinaca baadiyaha. Waxaa jira dad kale oo muddooyinkanka ka baxayay meelo ay ka mid tahay magaalada Garoowe.

Axmed Maxamed Ciid oo ka mid ah dadka kasoo jeeda Puntland ayaa sheegay in xilli uu safar ku tagay dhowr tuulo uu arkay dad badan oo reer magaal ahaa balse hadda miyiga ugu hawo gaddistay cudurka yimid awgiis.

“Waxaan kasoo baxay Garoowe, markaan marayay meel la yiraahdo Fadhiweyne waxaan la kulmay baabuur badan oo taagan, dad waayeel ahna saaran yahay. Markii aan soo gaaray meesha la yiraahdo Abaareey iyana waxaan ku arkay teendhooyin badan, waxaan wareystay dadkii tuulooyinka oo aan qaarkood garanayay, qof walbana wuxuu ii sheegay in markii lasoo sheegay xanuunkan corona inuu u daran yahay dadka waaweyn ay lafahooda lasoo carareen”, ayuu yiri.

Dadka reer miyiga ah ayaa lagu soo warramayaa inaysan badankood ka warqabin xaaladda cudurka, iyagoo sidii sidii caadiga ahayd ula dhaqma dadka ka yimid magaalooyinka.

Dr Gabboose oo ku taliyay in magaalooyinka laga baxo si looga badbaado Covid-19

.
Dr Maxamed Cabdi Gabboose

Dr’ Maxamed Cabdi Gabboose, waxa uu ka mid yahay dhakhatiirta ku takhasusay cudurrada faafa, haddana wuxuu safka hore uga jiraa dagaalka ka dhanka ah coronavirus ee Soomaaliya.

Wuxuu shacabka Soomaalida ku boorriyay in ay miyiga u baxaan.

“Wax kastoo dhib ah oo na soo maray waxaan uga badbaadi jirnay, oo ku ceyman jirnay miyigeenna, waxaan ku talinayaa in magaalooyinka waaweyn ee uu dadku ku badan yahay laga baxo, in loo baxo miyiga, in carruurta iyo waayeelka jilicsan la kaxeeyo – xanuunkaan wuxuu u daran yahay qofba qofka uu ka jilicsan yahay, laakiin ma deynayo dhalinyaro iyo dad waaweyn toona – dadka halagu wacyi galiyo inay ka baxaan magaalooyinka,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in dhammaan tallaabooyinka looga hortagayo cudurka ay ugu weyntahay in miyiga la aado.

“In laga baxo magaalooyinka ayaa ka xoog badan in sanka la xirto, waayo waxaa yaraanaya culeyskii, dadkii waayeelka ahaana way fogaanayaan”, ayuu yiri Dr Gabboose.

Talo fiican ma tahay in la safro?

.
Kumannaan Hindi ah oo magaalooyinka joogay ayaa dib ugu laabtay tuulooyinkooda

Soomaaliya oo kaliya ma aha meelaha ay dadka miyiga u yaacayaan. Kumannaan ka mid ah dadka saboolka ah ee Hindiya ayaa dhawaan dib ugu laabtay tuulooyinka miyiga kaddib markii ay xamili waayeen xayiraadaha iyo amarrada kale ee magaalooyinka lagu soo rogay.

Sidoo kale dalka Kenya, dad badan ayaa ka baxay magaalooyinka, iyagoo u safray tuulooyin fog fog.

Hase ahaatee inta badan dalalka caalamka, waxaa dadka lagu boorriyay inay guryahooda ku sugnaadaan si loo yareeyo faafitaanka cudurka.

Dowladda Kenya ayaa shacabkeeda ugu baaqday inay ku sugnaadaan meelaha ay joogaan. Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa xayiraad saaray xuduudaha magaalooyinka uu saameynta ugu weyn ku yeeshay cudurka, kuwaasoo dadka aan loo oggoleyn inay ka baxaan ama soo galaan.

Marka laga hadlayo sida uu ku faafo xanuunka, waxyaabaha aad looga deyriyay waxaa ka mid ah in la safro, maadaama ay suurtgal tahay in cudurka uu la safro dadka, sidaasna ay ku gaarsiiyaan meelo hor leh.

Markii ugu horreysay coronavirus wuxuu dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay kasoo billowday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, laakiin dad kasoo safray halkaas ayaa muddo gaaban gudaheed ku gaarsiiyay dalalkooda, wuxuuna sidaas kusii gaaray inta badan caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here