Soomaalida Kenya oo markii ugu horreysay yeelanaya xul kubadda cagta ah

xulka kubada cagta soomaalida kenya

Deegaanada Soomaalida degto ee dalka Kenya ayaa looga dhawaaqay xul kubadda ah oo markii ugu horreysay ka qeyb geli doono ciyaaraha horyaalka qaran ee dalka Kenya.

Xulkan oo loogu magac daray ‘Northern Wanderers’ ayaa la filaya inay dhaqan geliyaan qorshahooda ah inay soo bandhigaan ciyaar heer qaran ah isla markaasna ay fursad u siiyaan dhalinyarada gobolka si ay xirfaddooda guul uga gaaraan.

Nuurdiin Baddel Tubeec oo kamid ah aasaasayaasha xulka ayaa BBC u sheegay in ciyaartooyda lagala soo xuli doono magaalooyinka Gaarisa, Mandheera, Wajeer, Isiolo,Marsabito iyo xaafadda Islii.

“Xulkan waxaan ugu talagalnay dhulkii hore ee NFD.. NFD waa dad waxyaabo badan ka mideysan, waa dad reer guura ah ..dhibaatooyinka ay qabaan, waxaana kamid ah Spoortiga” ayuu yiri Nuurdiin Tubeec.

Waxaa uu sheegay in qaar kamid ah ciyaartooydii gobolka ay u shaqo doonteen dalka Soomaaliya si ay uga dheelaan kooxaha kubadda cagta ee halkaasi

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.