Soomaalida ku nool Nairobi oo beegsi lagu billaabay

nairobi kenya

Soomaalida ku nool dalka Kenya ayaa cabasho xoogan ka muujinaya beegsi ay ku hayaan ciidamada Booliska ee magaalada Nairobi, kuwaas oo ay sheegeen inay tacadiyo kula kacaan dadka ku nool xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Qaar kamid ah dadka ku nool xaafada Islii oo la hadlay saxaafada, ayaa sheegay in tacadiyo iyo dhibaatooyin kala duwan ay xiliyada habeenkii kala kulmaan ciidamada booliska, gaar ahaan kuwa ka howlgala caasimada.

Sidoo kale waxay sheegen in ciidamada ay kala kulmaan jirdil iyo sunta dadka ka ilmeysiisa, midaasi oo ay u adeegsadaan bulshada ku nool xaafada Islii, ka hor inta aan la gaarin bandowga ay xukuumadda Nairobi u soo rogtay Covid-19 dartiis.

Xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxa ku nool Soomaali badan, kuwaasi oo intooda badan ah Ganacsato, waxayna maamulka iyo xukuumada Kenyatta ka dalbadeen in wax laga qabto tacadiyada ay u geysanayaan ciidamada booliska.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka oo la xiriira cabashadan, oo ay warbaahinta u mariyeen maamulka iyo saraakiisha ciidanka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here