Soomaalida Mareykanka oo ka gadoodsan dilka Sheekh Maxamed Xasan

Sheekh Maxamed Xasan Aadam

Soomaalida ku nool magaalada Colombus, gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa dhigay mudaaharaad ay ku dalbanayaan in la dedejiyo oo la soo saaro natiijada baadhistii ay wadeen booliska iyo dambibaadhista gobolkaasi ee ku aaddanayd dilka Imaam Sheekh Maxamed Xasan Aadam oo maydkiisa laga helay magaaladaas kaddib maalmo la la’aa.

Sheekh Maxamed Xasan Aadam ayaa ahaa imaamka masajidka Abuu Hureyra ee magaalada Colombus, waxaana la la’sanaa saddex maalmood kahor inta aan meydkiisa laga helin meel cidlo ah.

Shiikh Horseed Caymi Nuux oo ah afhayeenka Dalladda Masaajidda Combus oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inay u halgamayaan xuquuqdooda ayna dowladda Mareykanka ka dalbanayaan inay la wadaagto natiijada baaritaanka dilka Sheekha.

“Waddankan Mareykanka waa waddan ay ku dhisan tahay inaad halganto oo aad xuquuqdaada u dagaallanto. Annagoo taas ka duuleyna oo dastuurku noo oggol yahay ayaa mujtamicii Soomaaliyeed iyo dadkii Muslimiinta ahaa ee laakiin qowmiyadaha kale ahaa sida Carabta, Pakistaaniyiinta, Turkida iyo dadkii diimaha kale lahaa oo dhan baa runtii isu soo baxay, sababtoo ah marka ay noqoto dulmiga waddankan waxaa la leeyahya iskaashi guud,” ayuu yiri Sheekh Horseed.

Sheekh Horseed ayaa sheegay inay isugu soo baxeen xarunta gobolka looga taliyo ayna halkaas ku tukadeen. “Waxaan u jeedinnay inaan dooneyno in sheekheennii, imaamkeennii dhiiggiisa, in la soo qabto dadkii gacan ku dhiigleyaasha ahaa,”

“Taariikhda Mareykanka inta aan garaneyno waa sheekhii labaad Dr. Maxamed ee falkaas lagula kaco, waliba isaga afduub iyo inaan weynay ayaaba u sii dheeraa,” ayuu yiri.

Sheekh Horseed ayaa sheegay in ilaa iyo haatan aysan helin natiijada baaritaanka, ayna la shaqeynayaan booliiska. “Labo siyaaboodba waan ula shaqeyneynaa, inaan farta ku fiiqno wixii raad ah ee la arko, iyo in la xafido xogta sharciyaqaannada kiiska gacanta kula jira la xafido oo aan suuqa lagu sii deyn inta laga soo qabanayo gacan ku dhiigleyaasha.” Ayuu yiri Sheekh Horseed.

Wuxuu intaas ku daran inay booliisku ka codsadeen iyaga inaysan shaacin qaabka loo dilay sheekha iyo dhaawacyadii ku yiil. Wuxuu sheegay in loo istaagay baaritaanka kiiska isla markaana maamulka gobolka uu ka tacsiyeeyay geerida sheekha.

Sheekh Horseed ayaa sheegay in magaalada Columbus ay ku yaallaan xaafado uu amnigoodu aad u xun yahay isla markaana ay ku badan yihiin burcadda is leysa, laguna dilay dhalinyaro Soomaaliyeed oo dhowr iyo soddon ah, kuwaas oo qaar fara ku tiris ah uun la helay xogtooda.

Sidee lagu helay meydka Sheekh Maxamed Xasan Aadan?

.

Alle ha u naxariistee waxaa 25-kii December la helay meydka Sheekh Maxamed Xasan Aadan oo ahaa imaamka masajidka Abuu Hureyra ee magaalada Colombus ee dalka Maraykanka, sidoo kalena ahaa Xoghayaha Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika ee Ayanna.

Imaam Sheekh Maxamed Xasan ayaa laga waayay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Columbus 22-kii December, sida ay sheegeen qoyska iyo xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed.Baadhitaanno socday ku dhawaad 48-saacadood kadib ayaa dad xog ogaal ah u soo sheegeen dad madaxbannaan oo ka tirsan bulshada magaaladaas oo si mutadawanimo ah u baadhayey in Sheekh Maxamed ay gaarigiisa ka heleen isgoyska Joyce iyo waddada 17-aad ee dhanka waqooyi ee magaalada Columbus Ohio.

Baabuurka dhexdiisa ayaa laga helay meydka Imaamka la la’aa ee Sheekh Maxamed Xasan oo ay ku yaalaan dhowr xabbadood oo jidhkiisa ah.

Dadkii ayaa wacay 911 iyo Adeegga deg degga ee Columbus oo soo gaadhay goobtii.

Waxaana meeshii isugu soo baxay Soomaali badan oo ka dhiillaysan xaaladda.

Waxaana baraha bulshada laga arkayey qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee halkaasi oo ku baaqaya in la isusoo baxo.

Sheekh Cabdalla Abul-Fadli oo ah imaamka masjidka Al-sunna ee magaalada Saint Paul isla markaana ay Sheekh Maxamed Xasan saaxiibbo dhow ahaayeen ayaa BBC-da u sheegay in goobtii laga helay maydka ay weli xidhan tahay booliska baadhista gacanta ku hayaana aanay weli wax faahfaahin aysan bixin.

“Argtida hore waxaa soo arkay nin walaalaha ka mid oo raggii baadigoobka ahaa ka mid ah ayaa arkay oo dul istaagay baabuurkashiikha oo uu yaqaannay, kaddib booliska ayuu wacay oo meesha yimi, illaa haddana meesha waa xidhan tahay booliiska iyo haayadihii wax baadhayey ayaana jooga meesha” ayuu yidhi Siikh Cabdalla oo ay is yaqaanneen shiikha dhintay.

Muxuu ahaa Sheekh Maxamed Xasan Aadam?

“Waxa uu ahaa nin hoggaamiye ah, oo dabeecad fiican afgaaban oo sadaqo badan inta badanna arrimaha ijtimaacigaa ka shaqeeya ayuu ahaa. Shiikh Maxamed runtii waxa uu ka baxay umadda soomaaliyeed Jaaliyada Maraykanka iyo Umadda Islaamka ah. Waxa uuu caan ku ahaa in uu dacwadda dadka aan islaamka ahayn gaadhsiiyo maaddaamo uu afaf badan ku hali jirey,” ayuu yiri Sheekh Cabdalla Abul-Fadli

Shiikha ayaa sida oo kale sida ay sheegeen dadka deegaanku waxa uu qayb ka ahaa barnaamijyo dadka baahan cunto lagu gaadhsiinayey inta uu jiray xanuunka safmarka ah.

Halka sida oo kale uu qayb ka ahaa aasaasidda barnaamij ciyaareed oo dhallinyartu ka qayb qaataan oo isugu jirey kubadda gacanta iyo kubadda cagta.

“Weligay ma arag isaga oo leh maya shaqo samafal oo dadka loogu danaynayo” ayuu yidhi Cabdi Faarax oo ka tirsan qoyska shiikh Maxamed.

Dad badan ayaana janaaso ahaan ugu tukaday goobtii maydkiisa laga helay xilli ay socoto baadhista booliiska.

Waxaana dadku ay ku baaqayaan in ay u baahan yihiin jawaabo, xilli baadhista boolisku ay socoto.

Ohio waxay martigelisaa Soomaalida labaad ee ugu badan marka laga reebo Minneapolis.Imaam Sheekh Maxamed Xasan ayaa ahaa ganacsade caan ka ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Columbus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here