Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo isku raacay mudada AMISOM lagala wareegayo Amaanka dalka

logo african union

Ciidamo Midowga Afrika ah ayaa mas’uuliyadda kala wareegaya ciidamada AMISOM, iyagoo heysta muddo labo sano ah oo ay mas’uuliyadaha ammaanka ku wareejinayaan ciidamada Soomaaliya, sida ay isku raaceen Soomaaliya iyo Midowga Afrika.

Sida laga soo xigtay heshiis ay labada dhinac wada galeen kaddib wada hadalladii 7-dii January sanadkii hore, AMISOM ayaa waxaa mas’uuliyadda kala wareegi doona Howlgalka Ku Meel Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Ciidamadan cusub, oo ay labada dhinac isku raaceen, ayaa u shaqeyn doona sida AMISOM, balse waxay heystaan muddo cayiman oo ay mas’uuliyadda ammaanka ugu wareejin doonaan ciidamada Soomaaliya wixii loo gaaro December 2023.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here