Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo heshiis ka gaaray dhaqaalaha doorashada

doorasho soomaaliya

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ayaa maanta ku kala saxiixday magaalada Muqdisho qayb kamid ah misaaniyadda doorashooyooyinka oo gaaraysa toddobo malyan iyo labo boqol oo kun oo doolar ($7.2 Million).

Lacagtan oo ay bixinayaan deeq bixiyayaasha caawiya Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay fududeyn doonto dardargalinta doorashooyinka ka bilowday Soomaaliya.

Dhinaca kale isla maanta waxa magaalada Muqdisho dib loo furay safaaradda dalkan Kenya ku leeyahay Soomaaliya oo xirneyd dhawrkii bilood ee la soo dhaafay sababbo la xiriira khilaafka ka dhaxeeyay labada wadan oo hadda u muuqda inay meelo badan isaga soo dhawaanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here