War goor dhaw ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu amray diblomaasiyiinta dowladda Soomaaliya ka jooga Nairobi inay muddo 5 cisho gudahood ah dalka dib ugu soo laabtaan.
Wasaaradda ayaa amarkaan cusub ku sababeysay inuu adkeyn u yahay keedii hore ee todobada cisho loogu qabtay diblomaasiyiinta Soomaaliya ka jooga dowladda Kenya, kuwaas oo haatan mudadii loo qabtay ay u harsantahay shan maalmood.
“Dhamaan diblomaasiyiinta, u qeybsanayaasha, iyo shaqaalaha hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee ka howlgala safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, waxaa lagu war-gelinayaa inay mudo shan maalmood gudahood ah ku soo galaan gudaha dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.
Warkan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa intaas ku sii daray, “Maadaama dowladda Soomaaliya ay ku amartay diblomaasiyiinta inay dalka uga baxaan todoba maalmood, isla markaana ay waajib tahay in diblomaasiyiinta Soomaalida ah ay iyaguna mudadaas ku soo galaan gudaha dalka.”
Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda waxuu ku soo aadayaa iyadoo qoraal maanta ka soo baxay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi lagu yiri, “Iyadoo la fulinayo go’aanka dowladda, waxaa la hakiyay dhammaan adeegyadii safaaraddu bixinaysay, qof kasta oo baasaboor dalbaday ama sugayay waxaan ogaysiinaynaa in uu soo doonto ugu dambeyn maalinta Khamiista ah.”
Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay ku heyso faro-gelin arrimaha gudaha ah, waxayna gabi ahaanba jartay xiriirkii ka dhaxeeyay labada dal, balse 20-ka bishan ayaa lagu balansanyahay in madaxda urur goboleedka IGAD ay labada dal ku dhexdhaxaadiyaan shir ka dhacaya dalka Jabuuti.