Soomaaliya oo ceyrisay safiirka Kenya ee Muqdisho una yeeratay safiirkeeda

farmaajo iyo uhuru

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay safiirkii dowladda Kenya, iyadoo ku amartay inuu dalkiisa ku laabto, Sidoo kale waxay u yeeratay safiirkeeda ka jooga Nairobi Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedeysay inay faragelin qaawan ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana ay madaxweynaha Jubbaland la kaashaneyso sidii ay u fashilin laheyd heshiiskii doorashada.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u muuqata in dowladda Kenya ay si barer ah u fara gelineyso arrimaha gudaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, iyadoo cadaadis ku heysa madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee doorashada Soomaaliya laga gaaray,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale warkan waxaa lagu sheegay in safiirka loogu yeeray wadatashi la xariira faragelinta Kenya oo ay sheegtay dowladdu inuu caqabad ku yahay horumarka Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

“Dhaqamada Kenya waa kuwo ka baxsan derisnimada iyo heshiisyada diblumaasiyadeed ee caalamka, sidaas darteed waxaan la tashi ugu yeeranay danjiraheena… Dowladda Soomaaliya ma aqbali doonto falkasta oo wax u dhimaya madax-banaanida iyo deganaashaha dalkeenna,” ayuu yiri xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cali Nuur oo warkan akhriyey.

Hoos ka Daawo

https://www.facebook.com/watch/?v=1115573418861227

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here