Soomaaliya oo la soo wareegtay masuuliyadda Hay’adaha Falanqeynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqo-darrada

astaanta soomaaliya

Waa guul taariikhi ah in maanta Dawladda Federaalka Soomaaliya ay Qaramada Midoobay dib ugala soo wareegto masuuliyadda Hay’adaha Falanqeynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqo-darrada (FSNAU) iyo hay’adda xog ururinta biyaha iyo dhulka Soomaaliya (SWALIM).

Heshiiska taariikhiga ah ee ay kala saxiixdeen Hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed iyo Hay’adda FAO ayaa lagu go’aamiyey in Soomaaliya ay si buuxda ula soo wareegtay maamulka Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu bogaadinayaa dadaalka ay Hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed kula soo wareegtay masuuliyadda Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM) oo muddo dheer kadib maamulkeedu dib ugu soo laabtay gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here