Soomaaliya oo ogolaatay in Jaadka Ethoipia uu si sharci ah dalka ku soo galo

qaad

Dowladda Faderaalka Soomaaliya ayaa ogolaatay in Jaadka dalka Ethoipia uu si sharci ah ku soo gale karo Soomaaliya, ayada oo wali dalka Kenya ay saarantahay xayiraaddii lagu soo rogay ee la xiriirtay ganacsiga Khaadka.

Shirkadda National Airways ee uu fadhigeedu yahay dalka Itoobiya ayaa soo cagadhigatay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ayado oo wadda xamuul Khaadka loo yaqaano Hareeriga oo ka baxa beeraha dalka Itoobiya.

Waa markii ugu horeysay oo tan iyo markii u bilowday cudurka Covid19 ay magaaladda madaxda wadanka kasoo dagto diyaarad Qaad sida, iyadoo horey garoomada Soomaaliya looga mamnuucay in diyaarado Qaad sida aysan ka soo dagi Karin garoonada Soomaliya.

Lama oga waxa xilligan kusoo beegay in dowladda Soomaaliya ay kala jeclaato Qaadka labada dal ee deriska la ah, waxaase waayahaan sii xumaanayey xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Waxaa socdaal ku jooga dalka Kenya R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo musharax u ah doorashada madaxweyne iyo siyaasiyiin u doonaya Villa Somalia afarta sano ee soo socota.

Soomaalida khaadka kala soo dagi jirtay ayaa su’aal ka keenay sababta keentay in Itoobiya loo ogolaado in ay qaad u dhoofiso Soomaaliya iyada oo aan la fasixin in Khaad la soo galiyo Soomaaliya. Laakiin sarkaal ka tirsan waaxda duulista hawada ayaa sheegay in Khaadka Kenya loo joojiyay Khilaaf ka dhexeeya labada dowladood.

Dhinaca kale, Qaadka laga dajiyay Muqdisho ayaa saameyn ku yeeshay Khaad horey si hoose loosoo galin jiray magaalada Muqdisho oo ka imaan jiray Kenya kaas oo doomo lagu soo gali jiray Soomaaaliya gaar ahaan gobolka Jubba hoose.

Soomaaliya ayaa hakisay ganacsigii Miraa bishii Maarso taas oo qayb ka ah tallaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka Covid-19, iyo dib u soo noqoshada duulimaadyada caalamiga ah ee 3-da Ogosto ayaa ka reebtay alaabada aan muhiimka ahayn.

Kenya ayaa u dhoofin jirtay Soomaaliya qiyaastii 50 tan oo qaadka ah maalin kaste waxaana lagu qiimeeyay, Sh25 milyan oo lacagta Kenya ah.

Xigasho: Mustaqbal Radio 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here