Suudaan: Waxaan iska caabinay ciidamo Itoobiyaan oo nagu soo duulay

sudan map

Suudaan ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay Sabtidii iska caabiyeen ciidamo Itoobiyaan oo isku day weerar ah kusoo qaaday dhulkeeda.

Madaxa militeriga Suudaan, Janaraal Cabdel Fataax Al Burhan ayaa sheegay in tallaabadan ay muujineyso in ciidamada ay difaacayaan dhulkooda kadib isku daygii militeri ee dhawaan ka dhacay Suudaan.

Bayaan kasoo baxay dowladda Suudaan ayaa lagu sheegay in isku dayga weerar uu ka dhacay degmada Umm Barakit.

BBC-da oo isku dayday in arrintan ay wax ka wax weyddiso dhinaca militeriga Itoobiya ayaanan wax jawaab ah kasoo bixin.

Balse warbaahinta Al Jazeera oo soo xiganeyso ilo wareedyo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay sidatan, “Waxaan beenineynaa wararka sheegayo in ciidamadeena ay u dhaqaaqeen dhinaca xadka Suudaan ama ay duulaan ku qaadeen deegaanka”

Degmada Umm Barakit waxay dhacdaa gobolka lagu muransan yahay ee Al Fashaqa halkaas oo ay ka taagneyd xiisad.

Al-Fashaqa, oo ku fadhida dhul dhan 600 kiilo mitir ayaa ah dhul ku fiican dhanka beeraha. Waxaa marar badan goobtan uu dagaal ku dhexmaray beeraleyda labada dal. Itoobiya iyo Sudan ayaa waxaa u dhaxeeya xuduud aad u dheer kaas oo dhan 750 kiilo mitir.

Xiisaddan ayaa soo cusboonaatay kaddib markii ay guul darreysteen wadaxaajoodyadii ku saabsanaa Biyo xireenka ay Itoobiya ka sameyneyso Wabiga Nile.

Xiriirka Khartuum iyo Addis Ababa ayaa sii xumaaday bilihii lasoo dhaafay, waxaana soo baxay warar sheegaya in ciidamada labada dal ay ku dagaallameen xadka gaar ahaan gobolka Al Fashaqa, xilli ay milatariga Itoobiya howlgal ka fulinayeen gobolka Tigray ee xuduudda la wadaaga Suudaan.

Suudaan waxay ciidamo ku daabuleysay deegaankan tan iyo dabaayaadii sandaki hore, Qaramada Midoobey waxay horraantii sanadankan sheegtay in ciidamo Itoobiyaan, kuwa Eritrean ah iyo maleeshiyaad Amxaaro ah ay ka howlgalaan gobolkan lagu muransan yahay ee ku yaalla xadka Suudaan iyo Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here